X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweynaha Oo Magacaabay Agaasimaha Guud Ee Barnaamijka Shaqo Qaran

Madaxweyne Muuse Biixi

WAR-SAXAAFADEED

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-205/102018, ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Shaqo Qaran.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Dersay: Muhiimadda uu Barnaamijka Shaqo Qaran u leeyahay Dhismaha Qaranka, Dhiiri-gelinta Dhallinyarada iyo Dardar-gelinta Hawlaha Shaqo Abuurka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Mudane, Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Barnaamijka Shaqo Qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post