X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweynaha Oo La Kulamay Masuuliyiin Ka Socda Urur Goboleedka IGAD

Araweelo News Network

WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xafiiska ku qaabiley wefti ka socda urur-goboleedka IGAD, oo uu hoggaaminayey ergeyga gaarka ah ee Ururkaasi u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Maxamed Guyo, oo uu wehelinaayey Cabdulkarim Maxamed oo ah la taliyaha arrimaha siyaasadda ee IGAD.

Ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu weftiga uga xog-warramay xaaladda guud ee dalka, sidoo kale waxa uu warbixin ka siiyey horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay muddadii ay jirtay, taasi oo ku timid wada-jirka iyo iskaashiga wada shaqayneed ee shacbiga iyo xukuumadihii kala danbeeyey ee Somaliland ka soo taliyey, taasi oo sababtay in indhaha caalamku ku soo jeestaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaana kulankaasi waxa diiradda lagu saaray arrimaha nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika, gaar ahaan waxa si qoto dheer looga wada hadlay arrinta Tuka-rag oo uu madaxweynuhu weftiga u caddeeyey in Somaliland aanay marnaba duulimaad ku ahayn dal kale, hadday cidi joogto dhul aanay lahayna ay Soomaaliya ku jirto 70-Km oo Somaliland leedahay.

Waxa kale oo kulankaasi lagaga wada-hadlay in IGAD taageerto mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda, khaasatan hirgelinta qorshaha labaad ee qaranka ee shanta sanno ee soo-socda, iyada oo sidoo kale laga wada hadlay wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee la filayo in ay dib u furmaan dhawaan.

Dhinaca weftiguna waxa ay madaxweynaha uga mahadnaqeen sida qiimaha leh ee uu u qaabilay una soo dhaweeyey, waxaanay Somaliland ku ammaaneen horumarka ay xukuumad ahaan iyo shacabba gaadheen, iyaga oo dhinacoodana ballan qaaday inaanay Somaliland waxba ka hagranaynin, tixgelin gaar ahna siinayaan waxyaabaha ay madaxweynaha ka wada-hadleen.

Madaxweynaha waxa kulankaa ku wehelinaayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka Arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire, Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya Ambassador Cali Xuseen Ismaaciil (Cali-shoombe) iyo wakiilka Somaliland u qaabilsan Midowga Afrika, Amb. Aadan Muuse Jibriil.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post