X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweynaha Oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socda Midowga Yurub Iyo Arrimaha Laga Hadlay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefdiga Midawga Yurub Hargeysa 3 Dec 2018.

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ballaadhan oo ka socda midowga reer Yurub oo uu hoggaaminayo Ambassador Fulgencio Garrido oo ah ku xigeenka wakiilka midowga  Yurub u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xubnaha wefdiga ah ee ka socday midowga Yurub, ayaa kulankooda diirrada ku saaray arrimo dhawr ah oo salka ku haya xoojinta Dimuqraaddiyadda Somaliland ka hana qaadday, wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya, isbedelada siyaasadeed ee geeska Afrika, iyo arrimo doora oo la xidhiidha horumarinta arrimaha bulshada.

 

Madaxweynaha iyo wefdigu waxay ka wada hadleen isbedelada siyaasadeed ee ka socda geeska afrika iyo sidii uu u noqon lahaa mid nabadeed oo wax wanaagsan ku soo kordhiya mandaqa. Waxa kale oo kulankaa lagu soo qaaday dhismaha wadada Berbera Corridor ee isku xidhi doonta Berbera iyo wajaale sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen midawga yurub.

 

Waxa kale oo kulankaasi laga wada hadlay qabsoomida doorashooyinka wakiilada iyo golayaasha deegaanka, isagoo madaxweynuhu u sheegay weftiga in ay xukuumaddu dhinaceeda mar hore iska dhamaystirtay wixii looga baahnaa ee dhinaceeda ku xidhnaa. Sidoo kale waxa laga wada hadlay  biyo balaadhinta magaalooyinka Hargeysa, Burco, Boorama, Ceerigaabo iyo Wajaale,  waxaanay xubnaha weftigu madaxweynaha ku bogaadiyeen balan qaadkii uu madaxweynuhu u sameeyey biyo balaadhinta Caasimada ee dhamayd halka Milyan ee doolar ($1Milyan).

Ugu danbayntiina waxa kulankaasi lagu soo qaaday wada hadaladii hore u dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya, sidii loo soo celin lahaa oo uu madaxweynuhu u sheegay xubnaha weftiga in ay Somaliland mar walba ka go’antahay inay hirgalaan wada hadaladu, balse ay Soomaaliya ka jeceshay hagar-daamada iyo Turan-turada qarannimada Somaliland oo ay ku foogan tahay, waxaanu sheegay madaxweynuhu in aanay Soomaaliya marnaba diyaar u ahayn in la furo wada hadalada labada dhinac.

 

Wa-bilaahi tawfiiq

 

Naasir Yuusuf Daahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post