X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweynaha Oo Kulan Deg-deg Ah La Qaatay Shir-gudoonka Baarlamaanka Iyo Hoggaanka Xisbiyada Mucaaridka

Araweelo News Network

WAR-SAXAAFADEED

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa kulan la qaatay shir-guddoonka labada gole qaran ee guurtida & wakiillada iyo xisbiyada mucaaridka ah, waxaana uu kulankani daarranaa sidii qaran ahaan mawqif midayan looga yeelan lahaa tallaabooyinka ay dawladda Soomaaliya muddooyinkan dambe kaga soo horjeedsatay maal-gashiga iyo horumarka ay Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsatay.

Madaxweynuhu isagoo si taxadar leh ula socda hagar-daamooyinka iyo tallaabooyinka horumar nacaybka ah ee ay Soomaaliya qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo dimuqraaddiyadda ka hana qaadday ku diiddan tahay, waxa uu shir-guddoonka  iyo xubnaha xisbiyada mucaaridka ah metelayey ku lafo-gureen kulankaasi sidii arrimaha soo kordhay isku duubni iyo wada-jir ummadeed loogu qaabili lahaa, isla markaana loo dhawri lahaa midnimada shacabka iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay shir-guddoonka labada gole iyo hoggaanka axsaabta mucaaridka ah, ayaa waxa goob-joog ka ahaa guddoomiyayaasha goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax, guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Mudane Faysal Cali-waraabe iyo wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo xidhidhka goleyaasha, Mudane Sacad Cali Shire iyo  Maxamed Xaaji Aadan, waxaana uu madaxweynuhu xubnaha la wadaagay muhiimadda ay leedahay sidii talo midaysan oo qaran, isla markaana sal ballaadhan looga yeelan lahaa gardarrada ay Soomaaliya sdai daba joogga ah ugu hayso qarannimada Somaliland.

 

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo kulankan qaran ee lagu marti-qaaday ka cudur daartay, isla markaana  aan kasoo qaybgelin.

 

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post