#Araweelo_News_Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo hoggaaminaya wefti ballaadhan oo safar shaqo ugu baxay saaka gobolka Awdal ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay deegaamada galbeedka Gebilay ilaa xarunta gobolka Awdal ee Boorama.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo subixii  hore ee saaka ka boqoolay Caasimada Hargeysa, ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay deegaamada uu marayay, iyadoo shacbiga Gebilay Madaxweynaha iyo wefdigiisa ugu soo baxeen wa wadada laamiga ah, iyagoo uxaya calanka Somaliland, isla markaana ku dhawaaqaya weehdo soo dhowayn ah.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa ka hadlay intii uu ku guda jiray socdaalkiisa dilka Sarkkaal Booliska Somaliland ka tirsanaa oo lagu eedeeyay dilkiisa, isla markanaa loo hayo Askari ka tirsan Ciidanka Booliska .“ Waa dhaqan xun in saraakiisha ciidamada la dilo, Xukuumadu-na uma dulqaadan doonto arrintaa,”
Madaxweynaha ayaa sheegay in xukuumaddiisu ka tacsiyaynayso sarkaalkaa qoyskii yo qaranka Somaliland, isla markaana xukuumad ahaan ay sharciga la tiigsanaayan cidii fulisay dilka, marka la mariyo hay’nidaamk sharciga ee Ha’yaddaha amaanka.
Muuqaalkan Ka Daawo Madaxweynaha Oo Ka Hadlaya Dilka Saraakiisha.