X

Somaliland: Madaxweynaha Oo Ka Hadlay Sannadka Cusub Ee 2021

Araweelo News Network.

#Somaliland: Madaxweynaha Oo Ka Hadlay Sannadka Cusub Ee 2021

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland  Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay curashada sannadka Cusub ee Miilaadiga ee 2021-ka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi oo xafiiska fadhiya Xafiiskiisa Photo File Araweelo News Network.

Madaxweynuhu,  wuxuu Hambalyo u diray Shacabka Somaliland iyo bulshada caalamka.

Dhambaal Hambalyo ah oo uu soo saaray Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo soo gaadhay Aftahannews ayaa isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu curashada Sannadka Cusub ee miilaadiga 2021-ka awgeed, kuna beegan Jimcaha 01/01/2021-ka uu hambalyo u dirayaa dhammaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo shucuubta beesha caalamka.

Madaxweynuhu waxa uu mar labaad Munaasabada Sannadka Cusub oo ka mid ah munaasabadaha Fasaxa Qaran awgeed uu hambalyo iyo salaan u dirayaa dhammaan shaqaalaha kala duwan ee dawladda, goleyaasha qaranka iyo guud ahaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay kala joogaan.

Madaxweynuhu waxa uu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland Alle uga baryayaa inay Sannadka, sanadkiisa ku gaadhaan nabadqab, barwaaqo, bash-bash iyo horumar, inta xanuusanaysana ka dulqaado xanuunka uguna bedelo caafimaad taama. Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu Shucuubta Caalamka u rajeynayaa in Sannadka 2021-ku noqdo kii ula kowsada nabadgelyo xasillooni iyo horumar waara.

Ugu danbayn wuxuu Madaxweynuhu shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ku boggaadinayaa dedaalkooda horumarka iyo doorka muuqda ay ka qaataan nabadgelyada wuxuuna ku dhiirigelinayaa inay kor u qaadaan wax wada qabsiga iyo midnimada dhexdooda kuna tartamaan iskaashiga horumarka, isla- markaana ilaashadaan jiritaanka qarankooda.”

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post