X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweynaha Oo Ka Hadlay Cuntooyinka Iyo Badeecadaha Dalka La Keeno Oo Sababay Dhibaatooyin Caafimaad Iyo Cuduro Kusoo Batay Bulshadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay ka ganacsiga Tacliinta Iyo Caafimaadka Dalka, 15 Jun 2019. Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi cabdi, ayaa ka hadlay dhibaatooyinka Caafimaad ee ay sababaan Cuntooyinka Dalka la keeno, Dawooyinka, Qalabka iyo Gaadiidku, wuuxuna xusay in xannuunada ugu badan ee dhibaatada ku haya dalka laga qaaday cuntooyinka lasoo geliyo dalka.

Sidoo kale, wuxuu Madaxweynuhu ka hadlay taya-xumada gaadiidka Dalka la keeno iyo shidaalka, wuxuuna nasiib-daro ku tilmaamay arrimahaa iyo khatarta ay ku hayaan nolosha Bulshada.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Bixii, wuxuu arrimahaa iyo kuwo kale kaga hadlay mar uu maanta hadal ka jeediyay madal ay Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland kusoo bandhigtay qorshaha shanta sannadood ee soo socda ay doonay inay ku shaqayso oo lagu Hargeysa, iyadoo ay munaasibadaa goob-joog ka ahaayeen Masuuliyiinta Hay’addaa, shaqaalaha ka hawlaga iyo marti sharaf kale.

“Shirku waa shir Hawleed  qorshaha shanta sannadood ee Hay’adda dhawrista Tayada aynu ku daah furo, shaqada  ay qabato, waxa taataabtay Guddoomiyeheeda, waxaana ugu muhiimsan inay ilaaliso Caafimaadka guud ee dadka, qalabka aynu ku shaqaynayno,  Dhawristu meelo badan way taabataa sida Cuntada, Dharka iyo wax walba oo guriga lagu isticmaalo’ ayuu yidhi, Madaxweyne Muuse Bixii.

Mar uu ka hadlayay Khatarta xannuunada dalka kusoo batay oo sida uu sheegay ka mid yahay Cudurka Khatarta ah ee kansarka, wuxuu yidhi, “Waad ogtihiin hadaad Dhakhaatiirteena waraysato, waxa innagu soo batay Cudurka Kansarka oo loo malaynayo inuu ka yimaado cuntada aynu cuni qaar ka mid ah,  kuwaas oo aan ku haboonayn inuu Bin’aadamku cuno, waxa kale oo innagu soo batay waxan la yidhaahdo Sanboorka iyo Xaasaasiyada dadka waaweyn iyo caruurtu haw badnaadeene,  waxaana loo tirinayaa qalabka aynu guryaha dhigano iyo waxyaabaha guryaha lagu buufiyo, Da’ayarteena waxaad moodaa innay wax iska bedeleen, wayna kala duwan yihiin waalidka caruurta da’ayarta qaab ahaan marka la eego, waxaana loo tirinayaa taya xukada cuntada dalkeena soo gasha, waxa loo baahanyahay markaa in Hay’addani culayska saarto sidii loo ilaalin lahaa Tayada waxaynu cunayno, waxaynu cabayno, waxaynu huwanayno iyo qalabka aynu isticmaalayno”

Madaxweyne Muuse Biixi, wuxuu tusaale usoo qaatay Shidaalka dalka la keeno, isagoo  sheegay  in Baabuurta Somaliland lagu wataa aannay gaadhin marka loo eego Cimriga Baabuurta dunida kale lagu wato  Rubuc , taasoo uu sabab uga dhigay tayada shidaalka laga isticmaalo dalka, sidoo kalena aannay jirin cid soo hubisay gaadhigu marka uu dalka soo gelayo, tayadiisa iyo cimrigiisa, sidoo kale wuxuu tusaale usoo qaatay Mobilada oo uu sheegay innay dunidu maray in la qiimeeyo codka kasoo baxay sida uu dhegaha wax u yeeli karo iyo baaxada waxyeelada, sidaa awgeed wuxuu Madaxweynu sheegay in Hay’adda dhawrista Tayada ay sugayso sidii ay uga soo bixi lahayd hawshaa baaxda weyn ee xukuumad ahaan iyo shacab ahaana laysugu garab taagi lahaa, wixii ay qabteena ay ku hanbalyaynayaan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post