X
    Categories: Warar

Somaliland Madaxweynaha Oo Ka Hadlay Aqoonsiga Golaha Deegaanka Ee Birmingham Ku Dhawaaqay

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Safarkii Guinea

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay aqoonsiga ay golaha deeganka Birmingham ee Dalka Britain u fidiyeen Somaliland.

Dhanbaal qoraal ah oo kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network.

Qoraalkaa, ayaa u dhignaa sidan: – ” Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Xukuumadda iyo magaca ummadda Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu halkan hambalyo iyo mahadnaq uga dirayaa Golaha Deegaanka Birmingham iyo guud ahaanba shacabka ku nool oo 08-07-2019, ku dhawaaqay inay Jamhuuriyadda Somaliland u aqoonsadeen dal madax-bannaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyaddu waxa uu mar labaad ku hambalyeynayaa kuna bogaadinayaa golaha deegaanka magaalada labaad ee ugu dadka badan dalka Ingiriiska tallaabadii ku dhaca iyo geesinamada lahayd ee ay qaadeen shalay oo Isniin ahayd, kuna aqoonsadeen Qarannimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

Mudanayaasha Golaha Deegaanka ee Degmada Birmingham waxay muujiyeen garasho feyow iyo dareen bini-aadannimo oo aad u qiimo badan, kasoo ku dhiirri geliyey inay gar-waaqsadaan ahmiyadda weyn ee uu dalka Jamhuuriyadda Somaliland u qabo in la aqoonsado iyo xaqa ay ummaddayadu u leeyihiin inay Beesha Caalamka ka helaan ictiraaf buuxa. Sidoo kale shacbi-weynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxay u mahadnaqayaan cidkasta oo isu xilsaartay qadiyadda Somaliland islana garabtaagtay tallo iyo taageero lagu raadinayo aqoonsiga dalkan iyadoo mudooyinkii u danbeeyey golayaasha deegaanka ee ingiriisku ku dhawaaqayeen ictiraafka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaana hore ugu dhawaaqay aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland golayaasha Deegaanka ee magaalooyinka Cardiff, Sheffield iyo Tower Hamlets, shalayna ay ku soo biirtay Birmingham, taasina waxay ka turjumaysaa tallaabooyinka geesinimada leh ee ay qaadeen magaalooyinkaasi, kuwaas oo mudan inay beesha caalamku kaga dayato.

Ugu dambayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu beesha caalamka ka codsanayaa inay xaqiiqsadaan horumarka ay ku tallaabsadeen shacbiga iyo xukuumadda Somaliland mudada 28ka Sanno ah ee ay ku buuxiyeen dhammaan shuruudihii dalnimo iyo dawlad madax-bannaan oo ay u dhanyihiin haykalkii   dawladnimo.

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post