X

Somaliland  Madaxweynaha Oo Gollaha Wasiirrada Kala Hadlay Oddoroska Miisaaniyadda 2025.

 

 Oddoroska Miisaaniyadda 2025 Muxuu Kaga Duwanyahay Miisaaniyadii 2024

#Araweelo_News_Network

Hargeysa (ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Sonaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabudullaahi (Cirro), ayaa Fadhigii 006aad ee shirka gollaha Wasiirrada ee Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ee uu gadh-wadeenka ka yahay kala hadlay Odoroska Miusaaniyadda 2025.

Fadhiga Gollaha Wasiirada ee uu Guddoominayay Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi (Cirr) oo uu wehelinaayay Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland,  Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL.

Ajandaha la horkeenay Gollaha Wasiirrada ayaa ahaa mid ku koobnaa soo jeedinta Oddoroska Miisaaniyadda Qaranka ee Sannadka 2025.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Gollaha Wasiirrada ka horjeediyey faah-faahin la xidhiidha qaab-dhismeedka Miisaaniyada 2025-ka.

Miisaaniyadda Sannadka 2025-ka waxay ka kooban tahay Afar Qaybood oo kala ah:

1. Miisaaniyadda Dawladda Dhexe
2. Miisaaniyadda Hay’addaha Madaxa-bannaan
3. Miisaaniyadda Dawladdaha Hoose iyo
4. Mashaariicda ay Qaadhaan Bixiyayaashu inagu caawiyaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Gollaha Wasiirrada u sheegay in Wasaaradda Maaliyada gacan laga siiyo Ururinta Cashuuraha iyo Kobcinta dakhliga Dalkeena, Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu Golaha Wasiirrada u sheegay in Wasaarad kasta iyo Hay’ad kasta oo ka mid ah Hay’adaha Qaranka oo iyagu qabta Dakhli, la farayo in ay si toosa Dakhligaa ugu wareejiyaan Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dalka.

Dood iyo falan-qayn dheer oo la xidhiidha Oddoroska Miisaaniyadda 2025ka ka bacdi Madaxweynuhu waxa uu Golaha Wasiirrada u soo jeediyey in loo Codeeyo soo jeedinta Oddoroska Miisaaniyada Sannadka 2025-ka.

Fadhigii Golaha Wasiirrada oo ay fadhiyeen 43 Xubnood, waxay dhammaantood si kalsooni leh ugu codeeyeen Ansixinta Oddoroska Miisaaniyadda 2025-ka, iyadoo aanay cidina diidin, cidina ka aamusin.

Oddoroska Miisaaniyadda 2025-ka Waxa loo gudbin doonaa Gollaha Wakiilladda Jamhuuriyadda Somaliland si ay uga gutaan waajibaadkooda Sharci, iyadoo Madaxweynuhu ku dardaaray xubnaha Gollaha Wasiirrada in aannay ka daba tegin marka Gollaha Wakiiladda  loo gudbiyo.

Madaxweynaha Oo Sharaxaya Miisaaniyadda Iyo Dardaaranka Uu Gollaha U Jeediyay Halkan Ka Daawo

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post