X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweynaha Oo Fariimo U Kala Diray Shacabka Iyo Warbaahinta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi 24 March 2019, Labada Gole Baarlamaan Hargeysa

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa guud ahaanba bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay gacmaha isu qabsadaan sidii ay u ilaashan lahaayeen nabadgelyada iyo wada-jirka dhexdooda ah, islamarkaana ay meel ugu soo wada jeestaan wax kasta oo ammaanka qaranka khal-khal ku keeni kara.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa, ayaa si gaar ah diiradda u saaray qiimaha ay nabaddu leedahay, waxana uu hoosta ka xarriiqay in mar kasta oo ay dhibi dhacdo in ciidamada iyo shacabka waajib ka saaran yahay ilaalinta nabadgelyada, isaga  oo caddeeyey in ciidamada qaranka ee ku sugan degmooyinka Ceel-Afweyn, Ceerigaabo iyo Gar-adag ay tahay ilaalinta nafta iyo hantida bulshada halkaas deggen, waxana uu yidhi, “Waxan idin xasuusinayaa walaalayaal inay nabadgelyadu tahay tiir-dhexaadka aynnu ku dhisannahay, qof walibana uu halkiisa uga guntado. Saddexda degmo ee imika dhibaatadu ka jirto oo dad badani si qaldan uga bixiyeen in nabadgelyada la sugo, waxan leeyahay marka ay dhibaato dhacdo waxa waajib saaran yahay qaranka, xukuumadda iyo shacabkaba in nabadgelyada gacmaha oo dhan la isugu geeyo, ciidamada halkaas loo dirayna waxa qudha ee ay qabanayaan waa inay ilaaliyaan nafta iyo hantida ummadda Somaliland iyo amniga guud, dalkana inay wax u taraan mooyaane wax hadimo ah ma wadaan.”

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas ku daray,  “ciidamadu waxa ay nabadgelyada sugayaan iyaga oo xorriyadda iyo xuquuqda qofka ilaalinaya, qofka dambiilaha ahna gacan adag ku dhigaya oo ka qabanaya ummadda inaanu fidnaynin, sidaas darteed shacabka waxan ka codsanayaa dhammaantii gaar ahaan degmooyinkaas inay si fiican ula hawlgalaan ciidamada qaranka ee ku hawllan sugidda amniga. Gobolladaas iyo degmooyinkaas dadka deggenna waxan leeyahay walaalayaal wax walba nabadda ka horraysee aynnu nabadda u wada guntanno, nin meel dheer telefoon kaga soo hadla oo aan dantaada eegayninna yaannu fidno ina gelinine nabadda halla xejiyo.”

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu baaq u diray warbaahinta kala duwan ee dalka ka hawlgasha, waxana uu kula dardaarmay inay bulshada u tebiyaan warar xanaf tiran oo aan bulshada dhexdeeda fidno ka dhalinaynin, islamarkaana ay xil iska saaraan sidii ay isugu soo jiidi lahaayeen guud ahaanba shacabka Somaliland.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Nasir Yusuf DahirDirector of the Presidential Media DepartmentHargeisa – Republic of Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post