X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweynaha oo Daah-furay Xog Ururinta iyo Tiro-koobka Hantida Maguurtada Ah Ee Dawladda

Madaxweynaha iyo wasiirka hawlaha guud

Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 01-09-2018, Daah-furay Xog Ururinta iyo Tiro-koobka Hantida Maguurtada ah ee Dawladda oo ay wasaaradda Hawlaha guud, dhulka iyo guryeyntu ka samayn doonto gobolada Somaliland oo dhan.

 

 

Xogtaas oo noqon doonta mid lagu keydiyo hantida dawladdu leedahay ee ma guurtada ah, waxaana munaasibadaasi oo lagu qabtay qasriga Madaxtooyada Somaliland ka soo qayb-galay, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta, Mudane Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada, Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, Agaasimaha Wasaaradda Hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta, Md. Cilmi Cabdiraxmaan Cashuur, Agaasimaha Madaxtooyada JSL, Md, Maxamed Cali bille, masuuliyiin kala duwan iyo hawl-wadeenada wasaaradda.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post