Madaxweyne Cirro Oo Dareenkooda Ka Jawaabay Dufcadii U Horraysay Ee Ciidamadda Mediniga Iyo Mashaariic Laga Fuliyay Saaxil

Araweelo_News_Network
Berbera (ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro oo socdaal hawleed ku maraya deegaamada gobolka Saaxil ayaa daah-furay mashaariic xukuumaddu ka bilawday halkaa oo isugu jira kuwa xadhiga laga jaray oo dhammaaday mudada boqolka maalmeed ee u horeeya iyo kuwo uu Madaxweynuhu dhagax dhigay.
Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo si ballaadhan loogu soo dhoweeyay degmooyinka Sheekh iyo Berbera ee gobolka Saaxil, ayaa Dugsiga Tababarka Ciidamadda Qaranka ee Degmada Sheekh oo lagu magcaabo (Col. Cabdullaahi Feedheeye) tababar uga furray Dufacadii ugu horraysay ee ciidamadii maddaniga ahaa, kuwaas oo dhowaan xukuumaddu ku samaysay qaran, iyadoo laga soo qaaday dhinaca gobolka Sanaag.
Furritaanka munaasibada tababarka dufcadii ugu horraysay ee ciidanka maddaniga ah, waxa Madaxweynaha ku weheliyay oo hadalo ka jeediyay Wasiirka Wasaaradda gaashaandhiga iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka, waxayna labada masuul halkaas  ka jeediyeen haddalo boggaadin iyo dhiirigelin ah, iyagoo ka waramay ahmiyada ay qaranka u leeyihiin in la qarameeyo ciimaddamadu iyo sidoo kale, kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jireen difaaca qaranka oo ay ku barbar taagnaayeen ciidamadda Qaranka ee jiiddaha  hore.
Madaxweynahe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa dhankiisa amaanay ciidamadda la qarameeyay, isagoo ku amaanay doorka ay ku lahaayeen waajibaadka ka saarnaa difaaca markii ay ahaayeen Ciidanka Medeniga, balse qarankoodu ugu abaalguday innay hadda wixii ka danbeeya ka mid noqdaan oo ay maantaba ka mid yihiin Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Madaxweyne Cirro, wuxuu sidoo kale hanbalyo u diray ciidamadda kale ee lagu xerreeyay  Dugsiga Tababarka ee Bixin, isagoo ammaanay dhammaantood, isla markaana ugu baaqay kuwa aan weli la qaramayn innay u diyaar garoobaan qorshaha qaramaynta ee xukuumaddu wado, iyadoo Madaxweynuhu ku amaanay fulinta qorshaha Qaramaynta iyo hawlaha kale ee nabadaynta Madaxweyne ku xigeenka iyo xubnaha wasiirradda ee kus sugan gobollada bariga Somaliland, gaar ahaan Sanaag, Sool iyo Togdheer.
Intii Madaxweynuhu ku signaa Dugsiga Tababarka, wuxuu ciidamadda ku sugan halkaa ee tababarka loo furay guddoonsiiyey xaqal ciid iyo sooryo Madaxweyne, iyagoo dateen farxadeed ay kaga fal celiyeen Ciidamadda ku jiray Dugsiga tababarka Sheekh.
Khubadiisa ayuu Madaxweynuhu ugu muujiyay dhiiriglin ku waajahan ciidamadan,waxaanu sheegay inay ku faanayaan xukuumad ahaan innay kamid yihiin maanta Ciidanka Qaranka JSL,isagoo xusay in awooddaynta iyo casriyaynta ay la bilaabayaan Ciidanka Qaranka oo Xukuumaddu u haragbaxayso.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa dhaxaf-dhigay mashruuc dhisamayaal cusub oo lagu soo kordhin doonno dugsiga tababarka Ciidanka Qaranka ee Degmadda Sheekh.
Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa xadhiga ka jaray dib u dhis iyo dib u habayn ballaadhan oo lagu sameeyey jidka isku xidha Magaallooyinka Berbera iyo Sheekh.
Munaasibadda xadhig-ka-jarka ayaa ka qabsoontay dusha sare ee Buurta Sheekh,waxaana haddalo ka jeediyey ugu horreyn wasiirka Wasaaradda jidadka iyo meereeyaha Hay’adda Waddooyinka Qaranka,kuwaas oo u mahadceliyey shaqalihii hawshaa baaxadleh qabtay mudda’daas koobban ee habeen iyo maalin aan ka nasan.
 Madaxweynaha oo hadal koobban ka jeediyay munaasibada xadhig ka jarista Biriishyada lagu kordhiyay jidka muhiimka ah ee isku xidha Berbera iyo Sheekh, kaas oo dib u habayn iyo ilaa labaatan Biriish oo la hagaajiyay, isagoo Madaxweynuhu hadalkiisa kusoo qaatay ahmiyada jidka laamiga ah oo sahli doonto isku socodka Gobollada dalka oo dhan, balse aan ahayn mid faa’idadiisu ku kooban tahay oo keliya Sheekh iyo Berbera.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ,ayaa intii ku jiray safarkiisa shaqo, wuxuu sidoo kale, xadhiga ka jaray xarunta xabsiga dhaqancelinta da’yarta sharciga khilaafta ee Mijacaseeye,kaas oo ah xabsi u gaar ah dayarta,isla markaana si heer-sare ah lo qalabeeyey.
Munaasibadda xadhig-ka-jarka ee Mijacaseeye waxa madaxweynaha kala qaygalay Wasiirka Caddaalada Yoonis Axmed Yoonis iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada, qaar kamid ah taliyayaasha ciidamada, siyaasiyiin, haldoor iyo marti-sharaf kale, waxana laga jeediyey hadallo salka ku haya muhiimadda uu leedahay xarunta Mijacaseeye ee xabsigaa  iyo baahida loo qabay.
Wasiirka wasaaradda caddaaladda,  Yoonis Axmed Yoonis, ayaa hoosta ka xarriiqay in Xukuumaddu wadda jir iyo wax-qabad ay tixgelin gaar ah siinayso daryeelka iyo bad-qabad dayarta,isla markaana uu xabsiga Mijacaseeye noqon doono mid dabaala baahidii loo qabay.
Gunaanadkii Madaxweynaha, ayaa bogaadiyay bahda Wasaaradda caddaaladda,wuxuuna xusay in Mijacaseeye baahi badan loo qabay, sidaa awgeed uu noqon doono hoyga barbaarinta dhallinyaradda sharciga khilaafta.
Muuqaalka Khudbada Madaxweynaha Ee Dugsiga Tababarka.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com