X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweynaha Oo Daah-furay Mashruuc Ballaadhan Oo Lagu Hirgelinayo Qorshaha Istiraatiijiyadeed ee Waxbarashadda

Araweelo News Network

Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay dash-guurka waxbarashadda

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay mashruuc ballaadhan oo dhidibbada loogu taagayo qorshaha Istiraatiijiyadeed ee waxbarashada qaranka.

Kulankan lagu daah-furayey mashruucan qaran ee ku saabsan istiraatiijiyada mustaqbal ee waxbarashada qaranka, ayaa waxa ka qayb-galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, wasiirrada wasaaradaha waxbarashada iyo Sayninska, Qorshaynta horumarinta, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon) iyo Mudane Cawaale Ibraahim Shirwac, wasiir-ku-xigeenno, agaasimeyaal guud, madax ka tirsan hay’adaha dhinaca waxbarashada ka taageera dalka, aqoonyahan, khubaro waxbarashada ku xeel dheer iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxaana madasha lagu faah-faahiyey muhiimadda uu qorshahani qaranka u leeyahay iyo isbeddelka la filayo inuu hirgeliyo.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, prof. Maxamed Faarax Xareed oo ugu horrayn halkaas ka hadlay, ayaa caddeeyey inuu mashruucani socon doono muddo saddex sano ah, isla markaana si gaar ah diiradda loogu saari doono waxbarashada Hoose/dhexe, arday tiradoodu gaadhayso 17-kun (Toddoba iyo toban kun) ay ka faa’iidaysan doonaan.

Wasiirka wasaaradda qorshaynta iyo horumarinta qaranka Somaliland, Mudane Cawaale Ibraahim Shirwac iyo wasiir-ku-xigeenka horumarinta maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Daahir Axmed oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa si isku mid ah u sharraxay muhiimadda ay leedahay horumarka waxbarashada qaranku, waxaana ay sheegeen in wasaaradaha ay masuulka ka yihiin tixgelin gaar ah siiyeen soo jeedimaha lagu horumarinayo waxbarashada qaranka.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (faratoon) oo isaguna hadal dhinacyo kala duwan taabanaya munaasabadda ka jeediyey, ayaa bulshada u sharraxay mashruucan dhidibada loogu taagayo waxbarashada dalka, islamarkaana ay wasaarad ahaan wax badan u hureen sidii qorshahan loo hirgelin lahaa, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Madaxweyne mashruucani waxa uu ku salaysan yahay horumarinta waxbarashada ee saddexda sano ee soo socda, hay’adaha mashruucan inagala shaqaynayaana hadba qaddarka aynu waxbarashada miisaaniyadda qaranka ka siino, ayey iyaguna lacag la jaanqaadda ina siinayaan, waxaana aanu hore heshiis ugula galnay inaynu badano qaybta miisaaniyadda ee waxbarashadeena, si ay iyaguna lacag badan u bixiyaan.”

Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska oo si hufan u lafo-guraya meelaha ay istiraatiijiyaddani muhiimadda gaarka ah saarayso, ayaa waxa uu intaas ku daray, “Madaxweyne mashruucani waxa uu ahmiyadda koowaad siinayaa tabobarka macallimiinta, horumarinta iyo kobcinta farsamada gacanta, qalabaynta iyo dayactirka dugsiyada iyo fidinta iyo dhiirrigelinta lagu hormarinayo qaybaha kala duwan ee bulshada,” ayuu yidhi wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isaguna kulankan ka hadlay carrabka ku adkeeyey muhiimadda uu qaranka u leeyahay hirgelinta qorshaha waxbarashada ee saddexda sano ee soo socda, waxaana uu si gaar ah u ammaanay masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada oo uu ku tilmaamay khubaro aqoon dheer u leh horumarinta waxbarashada, waxaana uu yidhi, “Hirgelinta barnaamujkani waxa ay u baahan tahay dhaqaale, qorshaha waxbarashada ee shanta sano ee soo socotaa waxa uu u baahan yahay Saddex boqol oo milyan oo dollar, si aynu heer dhexdhexaad ah u gaadhsiinno waxbarashadeenna, wasaaradaha aan aqoonta u eegay waxa kamid ah waxbarashada, wasiirka waxbarashada oo shahaadada labaad (Master) haysta oo waayo-aragnimo 40-sano ah haysta, wasiir-ku-xigeen iyo agaasimaha oo PHD diyaarinaya. Waxa aan u dirtay oo ay ka hadlaan wasaaradda waxbarashada iyo sida ay ardaydu u wanaagsanaanayso, laakiin umaan diran reer hebel soo ururi, odayaashii iyo dadkiina u tag oo u sheekeeya oo dawladda taageera dheh.”

Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah bulshada ugu iftiimiyey qiimaha uu macallinku leeyahay iyo kaalinta uu bulshada kaga jiro iyo sida uu ugu samro duruufaha kala duwan ee ku xeeran, “Macallinka waxan ku meteli karaa Hooyo faqiir ah oo toban carruur ah leh, hooyada faqiirka ahina haddii ay caawa laba xabbo oo roodhi ah soo hesho cuna ayey tidhaahdaa carruurteeda, ka ugu weyn baana yidhaahda Hooyo miyaadan wax cunaynin. macallinku weligii taajir ma noqdo, waxaana ay ku shaqeeyaan musharka ugu yar, hawlgabna ma leh, waxaana ay ku niyadsan yihiin mar hadduu Ardaygaygii meel gaadhay, anna waan gaadhay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi, waxa ugu dambayntii bulshada reer Somaliland si hufan u hogo-tusaaleeyey muhiimadda ay leedahay in loo midoobo hirgelinta qorshaha waxbarashada qaranka, maanka iyo maskaxdana loogu jeediyo horumarka dalka, “Hawshan aynu wada qabanno, qof waliba dhinaciisa haka joogo, waxaana inoo ballan ah inaynu baahiyaheena si caqliyan ah u eegno oo aynu horumarkeena u wada jeedsanno oo aynu dhaliilaha isla wada saxno oo aynu maskaxdeenna wax ka beddelno,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Qorshahan istiraatiijayadeed ee uu maanta madaxweynaha qaranku daah-furay, ayaa waxa ku baxaysa lacag $8.2 milyan (Siddeed milayn iyo laba boqol oo kun), iyada oo si gaar ah diiradda loogu saari doono waxbarashada Hoose/dhexe ee qaranka, muddo saddex sanadood ahna wuu socon doonaa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post