X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweynaha Oo Casho-Sharaf Ku Maamuusay Weftiga Dawladda Eriterea Oo Maalintii Labaad Ku Sugan Hargeysa

Madaxweynaha Somaliland iyo wasiirka Arrimaha Dibadda Ereteria Qasriga Madaxtooyadda Somaliland, Hergeysa 19 March 2019.

Hargeysa(ANN)-Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Ereterea Iyo Wefdi uu hoggaaminayo, ayaa maalintii labaad ku sugan magaaladda Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kadib markii ay shalay booqasho ku yimaadeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilad, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa casho-sharaf ku maamuusay Qasriga Aadaxtooyadda caawa weftiga oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda dalka Ereteria, Mudane Cismaan Saalax Maxamed oo booqasho saddex maalmood ah ku joogi doona Somaliland, sida ay warbaahinta ka sheegeen markii ay kasoo degeen Madaarka Hargeysa shalay.

Casho-sharafta uu madaxweynuhu u sameeyey weftiga ka socda dalka Eritrea. ayaa waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo is-kaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faro-toon), arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Gaashaandhigga, Mudane Ciise Axmed Yuusuf, Horumarinta maaliyadda, Mudane Sacad Cali Shire, Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Mudane Cawaale Ibraahim Shirwac, Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Cismaan Jaamac Aadan, guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, dublomaasiyiin iyo marti-sharaf kale.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post