X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweynaha La Doortay Iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Ee Ku Loolamay Doorashadii Madaxtooyada Oo Si Kedis Ah U Kulmay

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Murrashaxii tartanka adag ku dhexmaray  doorashadii madaxtooyadda ee dalka ka qabsoontay Isniintii 13 Nov 2017, Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro oo ay weheliyaan saraakiil xisbigaa ah ayaa si kedis ah u kulmay.

Kulanka Madaxweynaha la doortay ee cusub  iyo Guddoomiyaha xisbiga WADDANI dhexmaray oo ka dhacay duleedka xaabasha Marxuum Axmed-yaasiin Gabay-xaddi oo maanta aas qaran oo loogu sameeyey xabaalaha Naasa-hablood ee magaalada Hargeysa oo ay labadooduba ka qaybgaleen, waxay ku muujiyeen kulnkaa inay diyaar u yihiin wada-shaqayn iyo ka wada qaybqaadashada hawlaha dhismaha iyo horumarinta qarannimada Somaliland.

Madaxweynaha oo wehelinayeen xubno ka mid hoggaanka KULMIYE, wasiirro iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan oo ka qaybgalayay aaska, ayaa si kal iyo laab ah u qaabilay dhammaanba xubnihiii ka tirsanaa xisbiga WADDANI oo uu hoggaaminayey Guddoomiye Cabdiramaan Cirro, waxaannu u sheegay inuu u baahanyahay sidii loo abuuri lahaa jawi wada-shaqayneed oo labada dhinac dhexmara, si loo xoojiyo midnimada ummadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulanka Madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo isagu ahaa murrashaxii jagada madaxweynaha xisbiga WADDANI uga qaybgalay doorashadii dhawaan dalka ka qabsoontay, ayaa marag ka ah sida ay dhammaanba shacabka reer Somaliland iyo masuuliyiintoodu isugu duubbanyihiin, isla markaana diyaarka ugu yihiin xoojinta midnimadooda iyo isku duubnidoodaba.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post