Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Murrashaxii tartanka adag ku dhexmaray doorashadii madaxtooyadda ee dalka ka qabsoontay Isniintii 13 Nov 2017, Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro oo ay weheliyaan saraakiil xisbigaa ah ayaa si kedis ah u kulmay.
Kulanka Madaxweynaha la doortay ee cusub iyo Guddoomiyaha xisbiga WADDANI dhexmaray oo ka dhacay duleedka xaabasha Marxuum Axmed-yaasiin Gabay-xaddi oo maanta aas qaran oo loogu sameeyey xabaalaha Naasa-hablood ee magaalada Hargeysa oo ay labadooduba ka qaybgaleen, waxay ku muujiyeen kulnkaa inay diyaar u yihiin wada-shaqayn iyo ka wada qaybqaadashada hawlaha dhismaha iyo horumarinta qarannimada Somaliland.
Madaxweynaha oo wehelinayeen xubno ka mid hoggaanka KULMIYE, wasiirro iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan oo ka qaybgalayay aaska, ayaa si kal iyo laab ah u qaabilay dhammaanba xubnihiii ka tirsanaa xisbiga WADDANI oo uu hoggaaminayey Guddoomiye Cabdiramaan Cirro, waxaannu u sheegay inuu u baahanyahay sidii loo abuuri lahaa jawi wada-shaqayneed oo labada dhinac dhexmara, si loo xoojiyo midnimada ummadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulanka Madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi oo isagu ahaa murrashaxii jagada madaxweynaha xisbiga WADDANI uga qaybgalay doorashadii dhawaan dalka ka qabsoontay, ayaa marag ka ah sida ay dhammaanba shacabka reer Somaliland iyo masuuliyiintoodu isugu duubbanyihiin, isla markaana diyaarka ugu yihiin xoojinta midnimadooda iyo isku duubnidoodaba.