X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweynaha Iyo Xubno Wasiiradiisa Ah Oo La Kulmay Masuuliyiin Ka Socotay Shirkaddo Turkiga Laga Leeyahay

Madaxweynaha Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabilay wefdiga ka socday shirkado Turkiga 14 May 2019.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay madax ka socotay shirkada GULHAN LTD. DEARSAN.Co, oo laga leeyahay dalka Turkiga oo uu hoggaaminayey gudoomiyaha shirkadaasi Mr. Aziz Yildirim oo maanta safar shaqo ku yimid Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta kalluumaysiga, Xasan Gaafaadhi iyo wefdiga Turkiga ee ka socday shirkaddaha GULHAN LTD. DEARSAN.Co, 14 May 2019.

Masuuliyiinta Shirkadan Turkiga ah ee madaxweynuhu kulanka la qaatay ayaa ujeedada ay u yimaadeen Somaliland ay tahay in ay danaynayaan fursadaha maalgashi ee ka jira dalka,  iyo sidii ay qayb uga noqon lahaayeen mashaariicda maalgashi ee ka hirgelay Somaliland, gaar ahaan maalgelinta, kalluunka, macdanta, wershedaha, beeraha iyo tayaynta wadooyinka waxayna sheegeen inay ku qanceen dadaalka iyo horumarka Jamhuuriyadda Somaliland samaysay iyo maalgashiyada waaweyn ee waayadan danbe ka hanaqaaday dalka.

Madaxweynaha Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabilay wefdiga ka socday shirkado Turkiga 14 May 2019.

Iyagoo taa ka duulayana ay doorbideen inay dalka Somaliland ka fuliyaan maalgashi, isla markaana tusaale u noqdaan shirkadaha iyo maalgashadayaasha waddanka Turkiga si ay qayb uga noqdaan maalgashiga dihin ee Jamhuuryadda Somaliland ku duugan.   

Madaxweynaha Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabilay wefdiga ka socday shirkado Turkiga 14 May 2019.

Sidoo kale wasiirrada wasaaradaha, Ganacsiga, wershedaha iyo dalxiiska, macdanta iyo tamarta, gaadiidka iyo horumarinta jidadka, horumarinta maalgashiga, horumarinta beeraha, Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga, ayaa kulanka ku soo bandhigay qorsheyaasha maalgashi iyo siday diyaarka ugu yihiin inay ka faa’iideeyeen fursadaha noocan oo kale ah.

Madaxweynaha Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabilay wefdiga ka socday shirkado Turkiga 14 May 2019.

Ugu danbayntii Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadiyey masuuliyiinta shirkadaas imaatinkooda Somaliland iyo inay xogogaal u noqdaan horumarka ganacsi iyo dhaqaale ee ka jira waddanka, isagoo xusay in ay xukuumadda iyo shacbigaba ka go’an tahay soo dhawaynta cidkasta oo khayraadka dihin ee dalka ku duugan maalgashi ku samaynaysa. ayaa lagu yidhi, war-qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Af-hayeenka Maxamuud Warsame Jaamac.


Madaxweynaha Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabilay wefdiga ka socday shirkado Turkiga 14 May 2019.
Madaxweynaha Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabilay wefdiga ka socday shirkado Turkiga 14 May 2019.
admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post