X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweynaha Iyo Weftigiisa Oo Xubno Wasiirada Dawladda Federaalka Ethiopia Ku Maamuuseen Kulan Hadhimo-Sharafeed Ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo oo hadhimo-sharafeed ay ku casuumeen wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo maaliyadda dalka Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu iyo Mudane. Axmed Shide. Addis Ababa 21 February 2019, Araweelo News Network.

Addis Ababa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo oo maalintii labaad ku sugan caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa, waxa hadhimo-sharafeed ku casuumay wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo maaliyadda dalka Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu iyo Mudane. Axmed Shide.

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah  ee wehelinaya, ayaa waxa kulanka hadhimo-sharafeedka ah ee ay la qaateen wasiirrada arrimaha dibadda iyo maaliyadda ee dalkaas Ethiopia oo ay wehelinayaan Safiirka Dawladda Itoobiya u fadhiya Dalka Somaliland, Mudane Shamsudiin Axmed Rooble iyo diblomaasiyiin ka tirsan dawladda Federaalka Ethiopia waxa ay ku wadaageen is xog-waraysi iyo kaftan muddo qaatay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo oo hadhimo-sharafeed ay ku casuumeen wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo maaliyadda dalka Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu iyo Mudane. Axmed Shide. Addis Ababa 21 February 2019, Araweelo News Network.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland iyo xubnaha wefdiga ee socdaalkaa ku weheliya, ayaa booqday Dhismaha Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee Addis Ababa, waxaana halkaa kusoo dhaweeyey safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Ethiopia, Ambassador Axmed Xasan Cigaal, ku xigeenkiisa iyo shaqaale weynaha ka hawlgala safaaradda Somaliland ee dalka Ethiopia.

sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland safiirka Addis Ababa u fadhiya Somaliland,wuxuu Madaxweynaha siiyey warbixin ku saabsan qaabka ay safaaraddu u shaqayso, qorsheyaasha u qabsoomay iyo horumarka ay ka sameeyeen xoojinta xidhiidhka labada dal.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo oo booqday Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa 21 February 2019, Araweelo News Network.

Madaxweynuhu safiirka iyo guud ahaanba shaqaale weynaha safaaradda ku boggaadiyey sida hagar la’aanta ah ee ay qarankooda ugu shaqaynayaan, isagoo ku boorriyey inay halkaa ka sii wadaan dedaalkooda. ayaa lagu yidhi qoraal saxaafadeedkaa oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac.
Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post