Addis Ababa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayo oo maalintii labaad ku sugan caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa, waxa hadhimo-sharafeed ku casuumay wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo maaliyadda dalka Ethiopia Dr. Workneh Gebeyehu iyo Mudane. Axmed Shide.
Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee wehelinaya, ayaa waxa kulanka hadhimo-sharafeedka ah ee ay la qaateen wasiirrada arrimaha dibadda iyo maaliyadda ee dalkaas Ethiopia oo ay wehelinayaan Safiirka Dawladda Itoobiya u fadhiya Dalka Somaliland, Mudane Shamsudiin Axmed Rooble iyo diblomaasiyiin ka tirsan dawladda Federaalka Ethiopia waxa ay ku wadaageen is xog-waraysi iyo kaftan muddo qaatay.
Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland iyo xubnaha wefdiga ee socdaalkaa ku weheliya, ayaa booqday Dhismaha Safaaradda Jamhuuriyadda Somaliland ee Addis Ababa, waxaana halkaa kusoo dhaweeyey safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Ethiopia, Ambassador Axmed Xasan Cigaal, ku xigeenkiisa iyo shaqaale weynaha ka hawlgala safaaradda Somaliland ee dalka Ethiopia.
sida lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland safiirka Addis Ababa u fadhiya Somaliland,wuxuu Madaxweynaha siiyey warbixin ku saabsan qaabka ay safaaraddu u shaqayso, qorsheyaasha u qabsoomay iyo horumarka ay ka sameeyeen xoojinta xidhiidhka labada dal.