X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweynaha Iyo Wefti Uu Hoggaaminayo Oo Booqasho Rasmi Ah Ugu Baxay Dalka Ethiopia

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar ugu baxay Dalka Ethiopia.20 February 2019

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta booqasho rasmi ah ugu ambo baxay dalka Itoobiya, kaddib markii ay marti-qaad rasmi ah ka heleen ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa inta uu safarkiisa ku gudo jiro waxa uu kulamo la yeelan doonaa ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Dr. Abiy Ahmed iyo xubno kamid ah dawladdiisa, waxana ujeeddooyinka kulamadaas faah-faahin ka siiyey saxaafadda wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Madaxweynuhu waxa uu casuumad rasmi ah ka helay ra’iisal wasaaraha dalka Itoobiya, waxana ay isaga iyo weftiga uu hoggaaminayaa u tegayaan inay ka wada-hadlaan danaha iyo xidhiidhka ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Itoobiya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar ugu baxay Dalka Ethiopia 20 February 2019.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayey ujeedada safarkoodu ku kooban tahay kulanka ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo xubnaha kale ee xukuumaddiisa ka tirsan ay la yeelan-doonaan, mana jirto masuuliyiin dalal kale oo madaxweynaha u qorshaysan inuu kula kulmo Dalka Ethiopia.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo safar ugu baxay Dalka Ethiopia 20 February 2019.

Xubnaha weftiga ah ee madaxweynaha ku wehelinaya booqashada rasmiga ah ee uu dalka Itoobiya ku tegay, ayaa waxa ka mid ah wasiirrada wasaaradaha, Arrimaha dibadda, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faro-toon, arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin).

Wa-bilaahi Tawfiiq

                Naasir Yuusuf Daahir

Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post