Sheegashada Taageerada ICRC Iyo Xafiiska SRCS Ee Somaliland Iyo Su’aalaha Dul Taagan Socdaalka Guddida 

#Araweelo_News_Network

Hargeysa (ANN )- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabulilaahi (Cirro) (oo ayaa xafiiskii ku qaabilay Arbacadii maanta wefdi ka socda Guddida Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas (ICRC) oo ay weheliyaan Ururka Bisha Cas qaybtiisa Somaliland (SRCS).

Kulanka Madaxweynaha iyo Giddida oo ahaa mid Albaabada loo xidhay oo aannay warbaahinta goob joog ka ahayn waxa Madaxweynaha ku weheliyay xubnaha gollaha Wasiirrada qaarkood oo sida lagu xusay qoraal saxaafadeed kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda laga xusay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiirka Madaxtooyadda, La-taliyaha Siyaasadda Arrimaha Dibadda, Afhayeenka iyo Xoghayaha Madaxweynaha.

War-saxaafadeedka uu kulanka kaddib soo saaray Xuseen Aadan Deyr oo ah Afhayeenka Madaxeeybaha oo ku taariikhaysan 04.02.2025, ayaa lagu sheegay in kulanki ahaa mid muhiim ah oo ka dhacay  Qasriga Madaxtooyada JSL wallow aan lagu xusin war-saxaafadeedka qodobo muhiim ah oo la xidhiidha safarka Wafdiga ICRC-da ee uu hoggaaminayay Antoine Grand, oo ah Madaxa ICRC ee Somaliland/Somalia, sidoo kale,  waxa qayb ka ahaa Madaxa Xafiiska ICRC-da qaybta Somaliland  Jimcaale Cali Nuur iyo Axmed Cabdi Bakal oo ah Agaasimaha Fulinta ee Ururka Bisha Cas (SRCS) qaybtiisa Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ayaa Weftiga ka socdey Laanqeyrta Cas iyo Ururka Bisha Cas uga mahad naqay booqashadooda isla markaana ku bogaadiyey shaqada fiican ee bani’aadantinimo ee Hay’adahani ay ka hayaan Somaliland, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

 

“Madaxweynaha JSL ayaa wuxuu qiray kaalinta wayn ee ay Hy’adahani ka qaataan ka jawaabidda baahiyaha bani’aadamnimo gaar ahaan kuwa caafimaadka, xabsiyada, qeybta naafada iyo dib u soo celinta xidhiidhka qoysaska.”

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa mar kale xaqiijiyay sida ay Xukuumadiisa uga go’an tahay iyo ahmiyada ay siinayso Nabadda iyo Xasilloonida gobolka, isaga oo sheegay in dedaallada Nabadda, xasiloonida iyo dib-u-heshiisiinta iyo u-samo-falka bulshada Somaliland ay tahay muhimadda iyo mudnaanta koowaad ee Xukuumadiisa WADAJIR iyo WAX-QABAD ee uu Gadh-wadeenka ka yahay. ayaa lasii raaciyay war-saxaafadeedka.

Sidoo kale. Mr. Antoine Grand, Madaxa ICRC ee Somaliland iyo Somalia ayaa Madaxweynaha ku hambalyeeyey guushii doorashadii Madaxtooyadda, isagoo Somaliland ku ammaanay hannaanka Dimuqraadiyadda qaan-gaadhka ah ee Somaliland ka hirgshay. Masuulkan ayaa Madaxweynaha JSL ka siiyey war bixin guud oo ku saabsan taariikhdii iyo howlihii ay Hay’adda ICRC-da ka qabato Somaliland, isagoo si gaar ah u tibaaxay taageerada ay Hay’addani siiso Somaliland gaar ahaan xagga Xabsiyada iyo Caafimaadka iyo Daawooyinka, wallow aan war-saxaafadeedka lagu xusin in Arrimaha ay Madaxwynaha ka wadda hadleen ee hawlaha xilligan ay doonayaan innay wax ka qabtaan ay qayb ka tahay maxaabiista Somaliland ee dagaalkii Laascaanood.

Hase yeeshee sida lagu xusay war-saxaafadeedka madaxa wefdiga Mr Grand waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay taageerada ay ICRC  siiso Ururka Bisha Cas qaybtiisa Somaliland ee Goobaha muhiimka ah sida qeybta naafada (PRP), caafimaadka iyo soo celinta xidhiidhka qoysaska ay colaaduhu kala kexeeyeen, inkasta oo aan si dhab ah loo oggayn in sheegashada taageerada ICRC bixiso ee sida uu sheegay  Antoine Grand ee lasoo mariyo Ururka Bisha Cas qaybtiisa Somaliland (SRCS). ay si dhab ah u gaadho goobbaha iyo dadkii loogu tala galay ama xaqa lahaa, iyadoo jiraan dhaliilo ka imanaya bulshada oo calaamatu su’aal gelinaya sheegashada iyo weliba dooda Agaasimaha Fulinta ee SRCS qaybeeda Somaliland.

Madaxa wefdiga Mr Grand wuxuu Xukuumadda Somaliland uga mahadceliyay sida ay ula shaqaynayaan Hay’adiisa, iyo taabo gelinta hawlaha ka socda Somaliland.

Dhankiisa Agaasimaha Fulinta ee SRCS qaybta Somaliland Axmed Cabdi Bakal ayaa isagu dhinaciisa Madaxweynaha JSL war bixin ka siisay, wuxuu ku sifeeyay hawlaha Hay’adda Ururka Bisha Cas ka fuliso guud ahaanba lixda Gobol ee Somaliland, kuwaas oo xaqiiqda aan si dhab ah loo ogayn waxtarka deeqaha sheegadiisa innay si dhab ah u gaadheen halkii loo qorsheeyay.

Sida lagu xusay qoraal saxaafadeedka masuulka ayaa sidoo kale sheegay in iskaashiga Adag uu sheegay in ay la leedahay ICRC (Ururka Caalamiga ah ee Laanqayrta Cas) iyo Ururadda Bisha Cas, iyo sidoo kale taageerada ay ka heleen Laanqayraha Cas ee Ingiriiska, Canada, Denmark, Finland, Germany iyo Norway., wax weyn ka tartay hawlaha ay hayaan

Kulankan ayaa gunaanadkii ku soo gebageboobay is-af-garad iyo in la sii xoojiyo wada shaqaynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya ICRC-da, SRCS iyo Xukuumadda Somaliland si wax looga qabto baahiyaha bani’aadanimo ee haatan ka jira Somaliland.