X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweynaha Iyo Hoggaamiyayaasha Mucaaradka Oo Isla Gaadhay Qodobo Muhiim Ah


Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi oo uu weheliyo Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Md Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta markii labaad muddo todobaad guddihii ah kulan la qaatay Guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaradka ee WADDANI iyo UCID.


Kulanka dhexmaray Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo dhinac iyio Guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaridka ee UCID iyo Waddani, Eng Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa la xidhiidha sidii loo fulin lahaa go’aamadii ay soo saareen guddida dhex-dhexaadinta.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland, Md Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyayaasha xisbiyada mucaaridka ee UCID iyo Waddani, Eng Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), Madaxtooyadda 26 Desember 2019.Araweelo News Network.

Kulankaa oo saxaafaddu dibad-joog ka ahayd, waxa markii uu soo dhammaaday si wada-jir ah uga hadlay ujeeddada kulanka, madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), waxaanay shacbiga Somaliland ugu bushaareeyey in la isla qaatay inta ka horaysa 10/01/2020 in laga shaqeeyo oo la gudo galo qodobadii hore loogu heshiiyay loona dhamaystiri lahaa si looga gudbo caqabadihii ku gadaamnaa doorashooyinka.

Halkan ka Daawo Shirka Jaraa’id ee Masuuliyiintu kaga hadleen arrintaa.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post