X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweynaha Oo Cafis U Fidiyay Maxaabiista Puntland Lagaga Qabtay Dagaalkii Tukaraq

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa inuu cafis u fidiyay maxaabiista dagaalkii Tukaraq ee 18 May 2018, kaas oo u dhexeeyey Somaliland iyo Puntland lagu soo qabtay, kuwaas oo ku xidhnaa Xabsiyada Jamhuuriyadda.

Madaxweyne Biixi , wuxuu sidaa ka sheegay caawa khudbad kooban oo uu ka jeediyey kulan Casho-sharaf ah  oo Madaxtooyada loogu sameeyey Madaxda Qaranka iyo Wufuudda caalamka ka socday ee Somaliland kala soo qaybgalay Xuska 28-guurada gooni-isu-taagga iyo la soo noqoshada Madax-bannaanideeda ee 18-ka May oo maanta dalka looga dabbaal-degay.

Xafladdaa, ayuu ka sheegay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi inuu tallabada uu cafiska ugu fidiyay maxaabiista Puntland lagaga qabtay sannadkii hore dagaalkii Tukaraq ay tahay,  isaga oo muujinaya sida ay Dowladdiisa uga go’antay inay nabadgelyo kula noolaato dalalka Jaarka ah, wuxuuna ugu baaqay maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland in ay sidaa oo kale yeelaan.

Madaxweynaha Somaliland , wuxuu Wufuudaa iyo Ciddii diyaarinta Xuska 18-ka May wadday iyo Shacabka Somaliland ee maalinta qarannimadooda muujiyay u mahad-celiyey, sidii ay usoo agaasimeen iyo sidii looga qaybgalay munaasibadaa 18 May.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post