X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyna Siilanyo Oo Magcaabis Iyo Isku Bedel Samyeeyay

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha Jamhuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa Magcaabis iyo isku bedel ku sameeyay qaar Ka mid ah Masuuliyiinta xukuumadda ee Hay’addaha Dawlada.

Qoraal saxaafadeed caawa xilli danbe kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda oo lagu shaaciyay Masuuliyiinta la isku Bedelay Iyo magcaabista, ayaa u dhignayd sidan:-

WAR-SAXAAFADEED

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu caawa digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-4891/062017 uu ku magacaabay la-taliye madaxweyne, isagoo isku bedelna ku sameeyey qaar ka mid ah agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha dalka.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay La-taliyeyaasha Madaxweynuhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagada La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gaashaandhigga;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud (Dabagale), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gaashaandhigga (Bedel hore hoggaanka hawlgelinta Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland).

Isku bedelka Agaasimeyaasha Guud

Madaxweynuhu: Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagooyinka Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaraddaha Waxbarashada & Tacliinta Sare, Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta iyo Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta

Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan;

Wuxuu go’aansaday

1. In Mudane, Axmed Abokor Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel hore Warfaafinta iyo wacyigelinta).

2. In Mudane, Cabdi Cali Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel hore Waxbarashada iyo Tacliinta Sare).

3. In Mudane, Hassan Cumar Hoorri, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta Jamhuuriyadda Somaliland (Bedel hore Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta).

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cigse(Deyr)
Afhayeenka Madaxtooyada JSL,

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post