X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxwayne Ku Xigeenka Oo Daah Furay Mashruuca Sannadlaha Ah Ee Horumarinta Dawladaha Hoose Ee Dalka (JPLG).

Araweelo News Network

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo ka qaybgelaya shirka

Hargeysa(ANN)Madaxwayne Ku-xigeenaka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ah kusimaha Madaxwayanaha Mudane: Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa saaka furay mashruuca sanadlaha ah ee horumarinta dawlada hoose ee dalka ee loo yaqaano (JPLG) .

Mashruucan oo sanadkan 2017 ay soo qaban qaabisay Hay’ada UN Habitat ayaa lagu soo ban dhigay Bajadka ay sannadkan u qoondeeyeen dawladaha hoose ee dalka isagoo bajadkanina ka badan yahay kii sannadkii hore .

Afhaye

kulnka lagu daahfuray GPLG

en u hadlayay hay’ada UNHabitat ayaa sheegay in Mashruuca JPLG-gu yahay mashruuc faa’ido tiro badan u leh guud ahaan Somaliland isagoo xusay in dhankeedana Jamhuuriyadda Somaliland ay si wayn ugu guulaysatay hab nidaameedka shaqo ee mashruucan isagoo ugu baaqay dalalka gobolka iyo hay’adaha Caalamiga ahba inay wax ka bartaan Somaliland.

Muuqaalka ka qayb galayasha kulanka mashruuca GPLG


Madaxwayne Ku xigeenka Somaliland ahna kusimaha Madaxwayanaha Jamhuuriyadda Somaliland oo isagu mashruucaasi furay ayaa halkaasi kasoo jeediyay khudbad uu kaga hadlayo faa’idada uu mashruucani u leeyahay qaranka waxaanu yidhi “Waxaan u mahad celinayaa shanta ha’yadood ee ku midoobay mashruucan,Ilaahay mahadii maanta waxa ay noo soo gudbiyeen miisaaniyad sanadeedka 2017-ka taas oo aynu wax kaga qaban karno baahiyaha ay dawladaha hoose soo qorteen,iyadoo aynu kala horaysiinayno baahiyaheena oo ay kaw ka tahay dib u dhiska dawlaha hoose iyo maamuldaadajinta maadama sannadkanu yahay sannadkii u danbeeyay ee wajigii labaad afartan degmo ee ay hawshu ka socoto mashruuca saddexaad ee (Face Three) waxa aynu awooda saari doonaa labada Gobol ee aanu gaadhin mashruuca JPLG-gu ee Sool iyo Sanaag sidaa awgeed anigoo ku hadlaya afka dawlada waxaan deeq bixiyayaasha ka codsanayaa inay tix geliyaan baahiyaha ay dawlada hoose noosoo gudbiyeen, dawlada dhexena miisaaniyada ayay ugu dartay wixii kaga soo hagaagay mashaariicdan “ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Ku simaha Madaxwayanaha JSL ahna Madaxwayne Ku xigeenka Qaranka.
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post