X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxtooyadda Oo Jawaab Degdeg Ah Ka Bixisay Dhawaaqii Guddoomiyaha WADDANI

Af-hayeenka Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac

Madal Qaran Shir Beeled Iyo Guuro bahalayn Hoose Oo Reereed Maanta Somaliland Way Soo Dhaaftay, Kuma Noqonayso” Afhayeenka Madaxtooyadda

Hargeysa(ANN)-Madaxtooyadda Somaliland, ayaa ka jawaabtay eedo guddoomiyaha WADDANI, u jeediyay Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, kadib markii uu ku baaqay isu soo bax taageerayaashiisa ah iyo weliba in laysugu yimaado wuxuu ugu yeedhay madal qaran si loo badbaadiyo dalka.
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay qasriga madaxtooyada Somaliland galabta, ayaa ku tilmaamay hadalka guddoomiyaha xisbiga waddani cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) mid aan loo baahnayn xilligan.

“Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi cirro mar uu la hadlayey maanta warbaahinta dalka qaar ka mida waxa uu sheegay in aanu xeer Lr. 20/2001 aanu gudoomiyuhu saxeexin, sida uu hadalka u dhigayna aanu arag. Gudoomiye cirro oo muddo dheer xilkaasi soo hayey xeer Lr. 20/2001, golaha wakiilada ee uu gudoomiyuhu, gudoomiyaha ka ahaa waxa la horkeenay todoba jeer, todobada jeerba waxa lagu sameeyey waxka bedel, isagaana gudoomiye ka ahaa golaha, todobadaa jeer waxay ku taariikhaysan yihiin:-

09/04/2007
13/09/2008
18/07/2009
10/05-2010
07/12/2011
18/07/2012
11/08/2012

Todobadaa jeerba waxa ka bedel ayaa lagu sameeyey waxaana gacantiisa ku saxeexay gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee waddani mudane Cabdiraxmaan, dhammaan dhukmantiyadaasi (Documents) kaasi keydka qaranka ayey ku jiraan oo waanu idin la wadaagi karnaa hadaad u baahataan.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wadata ayaa yidhi “wuxuu maanta ka hadlay gudoomiyuhu arrin aanay shacbiga Somaliland dhegehoodu jeclaysan dhawaaqeeduna uu dhiilo ahaa oo qarankani halka uu marayo iyo Meesha aynu ku socono iyo meeshaynu ka nimi midnaba aan midibkeedii lahayn, gudoomiyuhu wuxuu sheegay in reer la bartilmaameedsanayo, in reero la beegsanayo, xaasha xukuumadda Somaliland waxa ka jirta xukuumad, waxa ka jira xilal qaran, waxa ka jira xasaanad, gudoomiye cabdiraxmaan gudoomiyihii wakiilada iyo gudoomiyahan uu hadda taladiisa hayo, wuxuu ku yimid kala danbaynta, dimuquraadiyada iyo doorashooyinka dalkeena ka hanaqaaday ee nidaamka axsaabta badan ee aynu samaysanay, gudoomiyuhu hayb iyo reero kumuu iman halkaa uu maanta joogo, hayb iyo reer lagagama riixin markii uu nasiib ku siiyey inuu gudoomiye golle noqdo, gudoomiye xisbina noqdo, balse siyaasadda Somaliland iyo hannaankaynu haysano ayuu ku joogay oo uu ku shaqaynayey imikana ku joogaa, Mudane Gudoomiye xisbigaaga waddani eed gudoomiyaha ka tahay dhammaan taageerayaasha iyo dadka taageersan iyo kuwii kuu codeeyey gobolada dalka Somalilandbay degan yihiin waana dad reer Somaliland ah, maaha reer, maaha hayb gaara, gudoomiye xisbiga qaran eed hoggaankiisa hayso reer dabada ha la gelin, astaanta qaranka ee xisbigu leeyahayna ha u muujin mid reereed”

Sidoo kale waxa uu afhayeenka oo hadalkiisa sii wada ayaa ka hadlay madal qaran oo uu ka hadlay gudoomiye cabdiraxmaan in laysugu yimaado waxaanu yidhi “madal qaran shir beeled iyo guuro bahalayn hoose oo reereed maanta Somaliland way soo dhaaftay, kuma noqonayso kuma laabanayso halka ay maanta marayso, goleyaal qaran ayeynu leenahay, golayaasha qaranka ayuu shalay gudoomiye cabdiraxmaan mid ka mida dhardhaarada qaranka ugu weyn oo gudoonka wakiilada ah uu soo hayey, maantana rag la mida ayuunbaa jooga ragii ay golaha wada joogeen uun baa jooga, sidaa daraadeed madal shir qaran oo la isugu imanayo iyo madal beeleedyoo laysugu imanayo iyo mad-madow kale oo qarankan loo maleegaayo midna qarankan horumarkiisu maanta kuma jiro, golayaasha qaranka, xukuumaddaa talinaysa, hoggaaminta dalka oo qori isu dhiiba oo aynu halkan ku soo gaadhnay ayuunbaa qarankan ka shaqaynaysa, wixii intaa dhaafsiisan Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa haddii lugta jeeniga la dhaafiyo wuu jabaa, wixii intaa dhaafsiisani wax soconaya maaha.

Ugu danbayntiina waxa uu afhayeenku sheegay in shacbiga Somaliland ay ka daaleen durbaanada qabyaalada iyo kala qoqobka bulshada, waxaanay u feejigan yihiin ayuu yidhi ilaalinta qarankooda, kuna hawlan yihiin horumarka dalkooda ka socda, iskaashigooda iyo horumarkooda.

Wa-bilaahi Tawfiiq

                Nasir Yusuf Dahir

Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post