Maxaa Lagaga Wadahadlay Maxaase Laysla Qaatay?

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaamiyayaasha labada xisbi mucaarad ee Somaliland ayaa xalay xilli danbe kulan xilli danbe isku hor fadhiistay, iyadoo saacado ka hor ay xukuumaddu soo saaratay awaamiir culus oo ku waajahan mucaaradka.

Madaxweyne Muuse Biixi Iyo madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici oo Qasriga Madaxtooyadda ku Qaabilay Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmanaan Ciro Iyo saraakiisha hoggaanka WADDANII, 24 Desember 2017

Madaxweynaha Somaliland, waxa kulankaa ku weheliyay wasiirro ka tirsan xukuumadda, halka hoggaamiyayaasha mucaaradka ee labada Xisbi WADDANI iyo UCID, ay weheliyeen saraakiil ka tirsan labada xisbi.

Cabdullaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa la halday warbaahinta oo wax ka weydiisay kulanka saacadihii danbe ee xalay iyo waxyaabaha laysla meel dhigay maadaama ay si weyn xukuumadda iyo labada xisbi muddooyinkan warbaahinta isugu marinayeen dhawaaqyo xajiimaysan oo shacbigu si weyn uga damqadeen.

Sidoo kale, waxay dhawaaqyada xajiimaysan ee labada dhinac xukuumadda iyo mucaaradku sii xoogaysteen xilli ay Somaliland u diyaargaroobay xuska munaasibadda 18 May oo sooddon guuradeeda 31aad oo ku beegan maalinta Arbacada loo qorsheeyay in si weyn loo maamuuso, balse axsaabta mucaaradka ayaa Axaddi sheegay in ay munaasibadda si gaar ah u qabanayaan oo aannay ka;a qaybgelayn xxafladda dabaaldega ay qabanqaabinay xukuumaddu.

Hase yeeshee Cabdullaahi Cukuse, wuxuu sheegay in arrintaa laysla meel dhigay oo ay maalinimada qabsoomay munaasibadda xuska 18 May, isla markaana si midaysan loo wada xusayo oo aannay mucaaradku qabanatyn maalinimada munaasibad xus gaar ah, taas oo sida uu sheegay laysla qaatay.

Balse waxa uu sheegay in mucaaradku habenimada xafladdo gaar ah oo xuslka 18 May ay qabsanayaan, kuwaas oo meelihii ay u qorsheeyeen ku qabanayaan, taas oo sida uu sheegay si wanaagsan laysula qaatay, isla markana la qiimeeyay xaaladda dalka iyo in aan xilligan loo baahnayn in munaasibadda 18 May meelo lagu kala qabto sabbata khilaafka awgeed.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay in arrimaha sababta u ahaa khilaafka xukuumadda iyo labada Xisbi ee doorashada iyo arrimaha la xidhiidha laga wada hadlay, iyadoo kulankaa laysla qaatay in marka xuska munasibadda 18 May dhamamado wadahadal laysugu soo noqdo oo xal laga gaadho arrimaah doorashooyinka, balse inta ka horaysa xaaladda la dejiyo oo munaasibadda xuska laga wada shaqeeyo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com