X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxda Saddexda Xisbi Qaran Oo La Kulamay Madaxweynaha Iyo Arrimaha Ay Ka Wada Hadleen

Prof. Axmed Cabdi Abyan

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi,  ayaa Maanta Qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay masuuliyiin ka socday Saddexda Xisbi Qaran, kulankaa oo ay ka qaybgaleen Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee Xisbiga, WADDANI, Cabduqaadir Jirde, Xoghayaha WADDANi, Khadar Xuseen Cabdi (Looge), Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, Prof. Axmed Cabdi Abyan iyo masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE.

Kulanakaa oo ahaa mid aanay saxaafadu goob joog ka ahayn , waxay masuuliyiinta saddexda Xisbi qaran ee ka qaybgalay  ee WADDANI, UCID iyo KULMIYE , kaga wada hadleen  sidii xal loogu heli lahaa doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo golayaasha deegaanka ee hore loo qorsheeyay inay Dalka ka dhacaan 13-ka bisha December ee sannadkan 2019-ka, sida uu sheegay Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga UCID Mr.Abyan oo Saxaafadda la hadlay markii kulankaasi dhamaaday.

 “Kulankaasi wuxuu ahaa is xog-waraysi, kalsooni dhisid, muddo ayaa la kala maqnaa, welina kulamadii way noo socdaan, si wanaagsana wax waanu iskula soo dhawaynay, kulamaduna way noo socdaan iyagoo intan ka koob-kooban.” Ayuu yidhi, Prof. Abyan oo la hadlay saxaafada markii kulanku dhammaaday.

 “Waxaanu ka wada-hadalnay doorashada iyo sidii looga wada qaybgeli lahaa, waanu is xog-waraysanay, waanu doodnay, si wanaagsan oo deggan, nadiif ah oo ilbaxnimo ku jirto, welina way noo socdaan.” Ayuu yidhi, wuxuuna isagoo arrintaa kasoii hadlaya yidhi, “Waxaanu u sheegaynaa Bulshada inaanu heshiis ku nahay qabsoomidda doorashada, 13-ka bisha December, 2019, welina aanu ku jirno Waddadii loo mari lahaa dooddeeda iyo qaabkii doorashadu u dhici lahayd..”

Prof. Abyan oo warbaahintu damacday inay wax ka weydiiso , waxa ay ilaa hadla isla qaateen waxyaabihii muranka ugu baddan ka taagnaa, ayaa sheegay in aanay hadda diyaar u ahayn su’aalo la xidhiidha arrintaa, maadaama sida uu sheegay ay kulamadu yihiin kuwo bilaw ah oo aan waxba weli laysa meel dhigin.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post