X

Somaliland: Macallinka Dunida Ee Yagleelida Qaran Ku Dhisan Nidaamka Dimuqraadiyadda Iyo Doorashooyinka

Muuqaalada ashqaraarka ah ee Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wefdigiisa Dekedda Berbera 18 Oct, 2020, Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

By Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

 

Somaliland,,Hargeysa(ANN)- Gobollada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa maanta si rasmi ah uga bilaabmay #Ololaha doorashada Wakiillada iyo gollayaasha deegaanka ee isku lamaan, taas oo dalka ka dhacaysa 31 May 2021.

Guddida doorashooyinka ayaa u qorsheeyay saddexda Xisbi qaran muddo lix maalmood ah oo ka bilaabmaysay maanta 23 May 2021, iyadoo xisbi walba uu Ololaha qabsanayo laba maalmood si markaa kadib loogu dareero cod bixinta doorashooyinka Somaliland oo lix iyo tobban caanamaal inaga xiggaan.

Xisbiga mucaardka ee UCID, ayaa maanta dalka oo dhan u laaha isu soo baxa Ololaha, iyadoo la doorashooyinka xilligan ka qabsoomaya Somaliland ay noqonaayan kuwii ugu muddada yaraa ee la xaddiday muddada Ololaha axsaabta.

Somaliland kuma cusba doorashooyinka, waxayna macalin ugu tahay gobolka geeska Afrika iyo dalal badan oo dunida, kadib marki tan iyo markii ay qaadatay nidaamka dumuqraadiyada iyo doorashooyinka ku dhowaad labaatankii sannadood ee u danbay ay qabatayLix doorasho oo saddex ka mid ah ay ahaayeen doorashooyinka Madaxtooyadda oo si nabad ah xukunka loola kala wareegay.

Sidoo kale, laba doorasho gollayaal deegaan iyo tartanka axsaabta oo isku sidakan ayay Somaliland hore usoo qabatay iyo hal doorasho oo golle Wakiillo, balse waxa sannadkan meesha ka baxay tartankii ururada iyo axsaabta qaranka ee ku sidkanaa doorashooyinka gollayaasha deegaanka, waxaana markii u horaysay lays raaciyay doorashooyinka follayaasha deegaanka dalka oo dhan iyo gollaha wakiillada oo si toos ah shacbigu usoo dooranayo.

Sababaha labada doorasho ee isku sidkan xilligan Somaliland loo xaddiday Ololaha ee loogu koobay muddo Lix maalmood keliya ah, ayaa lau macneeyay in xannuunka safmarka ah ee Coronavirus oo si weyn dunida u saameeyay, wallaw ay Somaliland ka nabdoontahay marka loo eeggo dalal badan oo dunida ah.

Dadka ka faallooda siyaasada dunida iyo isbedelada siyaasadeed iyo kuwa dhaqan dhaqaale, ama amni ee ka socda aduunka iyo waraabhinta caalamiga ah, ayaa marar badan layaab ay ku noqotay waxyaabaha ka dhacaya Somaliland ee nidaamka dawladeed, amni horumarka ka socda iyo doorashooyinka ay qabsatay ee is daba jooga ah, iyadoo aan wax aqoonsi ah weli ka helin caalamka, isla markaana toddobaadkan uun ay ahayd markii ay u dabaaldegtay soddon guuradii kasoo wareegtay kadib markii ay 18 May 1991, lasoo noqotay xorriyaddeedii siqiirtay 26 Jun 1961, iyadoo xilligaa afar maalmood kadib la midawday Soomaaliyadii gumaysiga Talyaanigu haysatay ee Koonfurta oo xilligan wixii ka danbeeyay burburkii dawladdii dhexe ee Somalia 1991, aannay weli ka jirin nidaam dawladeed oo cagihiisa ku taagan, wellina ay si weyn dunidu uga wer wersantahay inakstoo dedaal badan lagu bixiyay sidii loo soo celin lahaa dawladdii Soomaaliya ee meesha looga saari lahaa fawdada iyo dagaalada sababay khasaaraha aan la qiyaasi karin iyo hirdanka weli ka socda Soomaaliya.

Xilligan doorashooyinka loo balamay 31 May ee Somaliland, waxay mar kale noqonayaan kuwo si weyn indhaha caalamka ugu soo leexiyeen Somaliland oo ku taal Gobolka geeska Afrika, isla markaana dhacda marrin istiraatiiji ah oo loollanka siyaasadeed, dhaqaale iyo Millateri ee aduunku ka hirdmayaan, sidaa awgeed waxa la saadaalinayaa in natiijada doorashooyinkani noqnayaan kuwo xaqiijiya in Somaliland Aduunka u xaqiijiso in ay tahay Macallinka Dunida Ee Yagleelida Qaran Ku Dhisan Nidaamka Dimuqraadiyadda Iyo Doorashooyinka.

 

 

 

 

 

By Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Email: Jaamac132@gmail.com

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post