X

Somaliland: Maayarkii Hore Ee Burco Muraad Oo Daboolka Ka Qaaday Sababta Madaxweyne Biixi Xilligan Xilalka U Magcaabay Iyo Saadaasha Doorashada Madaxtooyadda

Araweelo News Network.

“Burco waa lagu tartamayaa, horena waxaaan u sheegay in ay tahay (Ohio), Guushuna Waxay Raacay Xisbiga Ku Guulaysta Togdheer” Maxamed Muraad

Burco(ANN)-Maayarkii hore ee Magaaladda Burco, Maxamed Cabdiraxmaan (Ina Muraad), ayaa ka hadlay loolanka doorashada aan weli la muddayn ee Madaxtooyadda Somaliland iyo waxa laga filankaro Magaaladda Burco iyo guud ahaan gobolka Togdheer.

Maxamed Muraad oo ka hadlayay munaasibad uu xilka kula wareegay Guddoomiyaha cusub ee dhowaan Madaxweyne Biixi u magcaabay gobolka Togdheer Axmed Diiriye Hayd, ayaa si cad u sheegay ujeedada xilligan loo magcaabay guddoomiyaha cusub iyo ragga kale ee maalmihii lasoo dhaafay Madaxweyne Biixi xilalka u magcaabay.

Hadal isugu jira duur-xul iyo dardaaran oo uu ka jeediyay munaasibadaa, wuxuu ku sheegay Muraad in sababta Axmed Diiriye Xayd Guddoomiyaha cusub iyo masuuliyiinta kaleba loo magcaabay in ay cod ka keenan bulshada, maadaama sida uu sheegay ay soo dhowdahay doorashadii Madaxtooyadda, isla markaana Madaxweyne Biixi markii labaad qorshaynayo inuu ku tartamo hoggaanka dalka.

Daawo Muuqaalkan

Hase yeese, wuxuu xusay in ay gobolka Togdheer iyo Magaaladda Burco ahmiyad weyn u leeyihiin doorashooyinka Madaxtooyadda, isagoo tilmaamay in cidda hesha codadka ugu baddan ee gobolka Togdheer noqoto cidda guushu raacdo.

“Burco waa lagu tartamayaa, horena waxaaan u sheegay in ay tahay (Ohio) oo ay Somaliland ugu jirto halka ay Ohio ugu jirto Maraykanka, waxaanse idiin sheegayaa ma jirto cid codka Burco u xidhanyahay ee saddexda Xisbi way ku tartami, waxaana guulaysanaya ka y raacdo guusha Burco.”

Mayaarkii hore ee Burco, Maxamed Muraad, wuxuu khudbadiisa ku darsaday weedho sarbeeb iyo suugaan ah oo sida uu sheegay u dhaafay dadka reer Burco in ay fasirtaan, isla markaana uu daboolka saaray, kuwaas oo macnayaal badan samaynkara.

 

 

Pulished by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post