X

Somaliland Maaha Taiwan Inay ku Indhabeesho, Arrinta #DPworld Anigu Ma Qabo, Dagaalka Ethiopia,,,,”Prof. Buubaa

Araweelo News Network.

 

 “Saddexda Xisbi way ka aradan yihiin dimuqraadiyada, Kulmiyena….”

Prof. Ismael Mohamoud Hurreh (Buubaa)Image File Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Prof. Ismael Mohamoud Hurreh (Buubaa) oo ka mid ah Siyaasiyiinta iyo Haldoorka Aqoonyahanka ugu caansan Somaliland iyo geyiga Soomaalida, isla markaana caan ka ah masraxyada siyaasada iyo dooddaha fagaarayaasha aqoonta mandaqada, ayaa tafaasiil ka bixiyay mustaqbalka siyaasada Somaliland, geedisocodka dimuqraadiyada, arrimaha masiiriga ah ee mustaqbalka, doorashooyinka, qaab dhismeedka axsaabta qaranka iyo heshisika dekadda DP. World

Prof. Buubaa, ayaa sharaxaad ka bixiyay baahida loo qabo meel marinta qadiyada jiritaanka Somaliland, isagoo tilmaamay xalka furdaaminta qadiyada Somaliland iyo dariiqa loo marayo, balse wuxuu si weyn u dhaliilay gaabiska qadiyada Somaliland ee wasaaradda arrimaha Dibedda, xidhiidhka Taiwan ayuu ka bixiyay tafaasiil iyo tallooyin, isagoo ka digay in qaabka loo wadaa sababi karo dhibaato siayasadeed oo soo waajahda Somaliland oo aduunka ka raadinaysa aqoonsi.

Wuxuu  sharaxaad ka bixiyay aragtidiisa muranka Soomaaliya, arrimaha Mandaqada ee dhinacyada dhaqaalaha siyaasada, amniga iyo dagaalka ka socda dalka Ethiopia, wuxuu ku  tilmaamay dagaalka mid saamayn weyn ku leh amaanka mandaqada, isagoo dhinaca kale iftiimiyay siyaasada Maraykanka ee ku waajahan xilligan mandaqa.

Arrimahaa iyo kuwo kale wuxuu kaga hadlay Prof. Ismael Mohamoud Hurreh (Buubaa) Waraysigan oo hore qoraal aannu idiinku soo gudbinay shebekaddaha Araweelo News Network.

Halkan Ka Daawo Waraysiga oo dhamystiran.

 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post