X
    Categories: Warar

Somaliland Lixdan Sannadood Xoriyaddii Kadib Halkay U Socotaa? Doodda Xarunta Dhaqanka Hargeysa

Hargeysa(ANN)- Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa oo dhawaanahan ba wadday doodo iyo xog-is-weydaarsiyo xidhiidh ah oo kala duwan, ayaa maanta qabatay dood ku saabsan 60-guurada ka soo wareegtay markii ay Somaliland xornimada ka qaadatay Maxmiyaddii Boqortooyada Britain 26 June 1960.

Doodda, ayaa lagu faaqiday, sidii xornimadaasi ku timi, iyada oo aan la toddoba-bixin midnimadii ay la gashay Somaliland Soomaalidii Talyaaniga xornimada ka qaadatay 1-dii Julay 1960-kii, wixii ka qaldamay, halkay hadda wax-marayaan iyo lixdan sano ka dib xornimadaas halka ay Somaliland u socoto.

Waxaa Dooddan lagu qabtay habka ismaqal-aragga ee internet-ka, ayaa si toos ah looga daawanayey Bayjka Facebook ee Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, isla markaana Xubnaha Doodda ka qaybgalay, ayaa ka jawaabay su’aalo toos ah oo khadka internet-ka Dadweynuhu ku soo weydiiyeen.

Doodda waxaa ka qaybgalay Aadan Muuse Jibriil oo ah Diblamaasi xilal Safiirnimona ka soo qabtay Somaliland, Rooda Maxamuud Karraani oo madax ka ah Urur ka dhisan dalka gudihiisa iyo weliba Dalka Britain Jacfar Maxamed Gaadaweyne oo ah Khabiir dhinaca waxbarashada ah, Buugaag kala duwanna ka qoray waxbarashada, muddona ka shaqaynayey Ururrada Bulshada iyo Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Dr. Jaamac Muuse Jaamac oo isna qayb ka ahaa barnaamijka oo uu daaddihinayey Agaasimaha Xarunta Dhaqanka Iid Muuse.

Dooddaas oo dhammaystiran, su’aalaha la soo weydiiyey Xubnaha Doodda ka qaybgalay, jawaabaha ay ka bixiyeen iyo guud ahaan sida barnaamijkaasi u qabsoomay,  Muuqaalkan hoose ee ka Daawasho.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post