X

#Somaliland: Libaax Dad Ku Cunnay Hargeysa

Cali Maxamed Waracade oo libaaxa ku haya gurigiisa magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, Image File Araweelo News Network.

#Booliska #Somaliland Oo Ka Hadlay Khasaaraha, Baadidoonka Lagu Raadinayo #Libaaxa iyo Cabsida #Hargeysa Ee Xalay

Hargeysa(ANN)-Libaax ka baxsaday Xerada lagu xannaaneeyo ee Guriga Cali Maxamed Waracade, ayaa dhaawacyo gaadhsiiyay inta la xaqiijiyay haweenay shacab ah,  kadib markii uu xalay si lama filaan ah uga baxsaday goobta lagu hayay ee Bariga Magaalada Hargeysa.

 

Haweenayda Libaaxu dhaawacyada gaadhsiiyay ayaa loo lala cararay Cusbitaalka si loo badbaadiyo, balse lama ogga in ay jiraan dad kale oo uu waxyeelo u geystay Libaaxa oo magaalada dhex qaaday caweyskii, isla markaana xilli danbe dadka qaarkood ku war heleen cabsida laga qabo.

Hase yeeshee Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) wuxuu warbaahinta qaranka u sheegay in uu jiro hal qof  shacab oo Libaaxa baxsadka ah dhaawacyo u geystay, taas oo u dhowayd goobta lagu xannaaneeyo lLibaaxyada badan, wallaw aanu faah-faahin dheeri ah ka bixin halka shilku ka dhacay.

Taliye Dabagale, wuxuu sheegay  in aan weli gacanta lagu dhigin Libaaxa oo ay ciidanka Boolisku wadaan hawlgal balaadhan oo ay ku raadinayaan Libaaxa si aannu dhibaato waxyeelo ugu geysan shacabka.

 

Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland waxa uu Bulshada ku dhaqan caasimadda  u soo jeediyey in ciddii aragtaa Libaaxa ay ku soo wargeliyaan Ciiddamada Booliska si loo qabto, isla markaana loogu celiyo xeradii uu kasoo baxsaday guriga Cali Maxamed warancade oo ah wasiirkii hore ee arrimaha guddaha Somaliland, isla markaana ah siyaasi xilal badan kasoo qabtay xukuumaddihii Somaliland.

Libaaxa ayaa marar hore sidan oo kale uga baxsaday xerada lagu xannaaneeyo, waxaana la xusuusan yahay xilliyo uu geystay dhagar March 2008, ayuu Libaaxu meel dooxa Hargeysa ee Xaafadda New Hargeysa u dhow ku dilay gabadh, taas oo goobta ku dhimatay,  waana sababta ay shacbiga Caasimadda Hargeysa marka ay maqlaan Libaaxa soo baxsaday si weyn uga wer-weraan, iyagoo yiqiinsan in aannu gafayn Libaaxu..

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post