“Halka hadda loo yaqaan Somaliland waxay muddo dheer ahayd xudunta fanka iyo suugaanta – fanka oo door muhiim ah, xitaa siyaasadeed ka ciyaara geeskan Afrika.”

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa (ANN0 – Somaliland, ayaa soo bandhigtay waxyaabo cajiib ah oo taariikhi ah, kuwaas oo ka markhaati ah, ama cadaymo u noqon kara qadiyadeedda ay ku raadinayso aqoonsiga.

Warbixin xanbaarsan waxyaabo taariikhi ah oo la ururiyay Madxafka Qaranka ee Somaliland ee dhowaan la yagleelay ayaa ku guulaystay in lagu kaydiyo,waxyaabo xanbaarsan taariikh iyo dhacdooyin dhaqanka, hiddaha iyo marxaladihii halganka ee Somaliland xa markhaati kacaya,  taas oo soo jidatay indhaha iyo dheggaha warbaahinta Caalamka, kaddib markii warbixino ku saabsan arrimahaa lagu daabacay Waraahinta Caalmiga ah iyo weliba goobbbaha raad-raaca taariikhda, Hiddaha iyo Dhaqanka ee dunida.

 

Telefishn Madax-banaan oo laga leeyahay dalka Koofur Afrika oo lagu magcaabo (eNCA TV South Africa’), ayaa warbixin dheer oo ka hadlay ahmiyadda ay Somaliland u leeyihiin waxyaabaha taariikhiga ah ee la ururiyay oo sida ay shegeen muujinaya dhacdooyin iyo marxalado ka turjumaya halgankla ay Somaliland usoo gashay sidii ay dib ula soo noqon lahayd qaranimimadeeda kaddib dagaal dhiig baddan ku daatay oo ay la gashay sannadihii sideetanaadkii taliskii Maxamed Siyaad Barre ee ay halgamayaashii hubaysnaa ee SNM la galeen dawladdii Soomaaliya ee Millateriga ahayd.

Warbixin ka hadlaysa arrimaha oo qoraal ahaan Telefishanka Koonfur AFrika ugu daabacay deggelkiisa dhinaca Oline ee shabakadda eNCA.COM , iyadoo lagu daabacay Luquada Engilish, waxa soo Turjumay oo tafaftiray Carraale Maxamuud Jaamac oo ah Tafaftiraha Shabakaddaha #Araweelo_News_Network. waxaana lagu  bilaabay sidan:-

 

Maktabad ku taal Somaliland, Xafsa Omer waxay ku tumanaysaa cajalad yar. Dhawaaqa luuq-somaaliyeed oo lagu dhex-xidhay hees jilicsan oo dumar ah ayaa qolka buuxisay., iyadoo garaacaysa kiiboodhka, Omer oo wata laxanka (pentatonic) ee caadiga ah ee gobolka waqooyi ee Geeska Afrika.

Tan iyo sannadkii 2021-kii, waxa uu 21-jirkan si xamaasad leh u kaydinaysay oo uu beddelaysay( digit) ururinta cajaladaha ilaa 14,000 ee kasoo bxaya xarunta dhaqanka ee magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, iyadoo
dib loo iibsaday, isla markaana la helay ama qaarkood lagu deeqay, cajaladuhu waxay ka kooban yihiin kuwo jiray  in ka badan nus qarni nolosha muusikada, dhaqanka iyo siyaasadda gobolka Geeska Afrika.

Somaliland waxa ay waddaa arrimaheeda gaarka ah tan iyo markii ay gooni isu taagga Soomaaliya ku dhawaaqday 1991-kii, balse wali ma jirto cid  u aqoonsantay dal madax-banaan.  Laakiin taas oo ka dhigaysa dhaxal dhaqameed – sida cajaladahu u yihiin muhiim.

“Dad badan ayaan waxyaalahan u haysan innay muhiim yihiin, laakiin waxay ka kooban yihiin dhammaan taariikhda waddankayga,” sidaa waxa tidhi, Xafsa Omer oo u sheegtay AFP.

“Dadkaydu wax ma qoraan, waxna ma akhriyaan, waxa keliya ee ay sameeyaan waa hadal.”

Somalidu dhaqan ahaan waxa ay ahaan jireen adhijirro reer guuraa ah, dhaqankooduna Af-baa jiilba jiil kale la isugu gudbin jiray.

Halka hadda loo yaqaan Somaliland waxay muddo dheer ahayd xudunta fanka iyo suugaanta – fanka oo door muhiim ah, xitaa siyaasadeed ka ciyaara geeskan Afrika.

Sheekooyin hoose

idaacadda dawliga ah ee Somaliland ( Radio Hargeysa), waxa kale oo ay leedahay ururin ka badan 5,000 reels iyo cajalado, barnaamijyo iyo muusig laga duubay istuudiyaha ilaa iyo markii la aasaasay 1943kii.

Tobanaan kun oo saacadood oo cajalado ah oo ku yaal xarunta dhaqanka ayaa sheegaya sheeko aan rasmi ahayn – laga soo bilaabo 1970-yadii dhaqan-diidka “Funka Soomaaliga”, illaa duubab aan la sii dayn oo ku saabsan ku celcelinta ciyaaraha iyo xisaabaadka nolol maalmeedka dadka.

Cajaladaha yaryar ee cajaladaha lagu duubo oo si weyn loo heli jiray sannadihii 1970-aadkii iyo 1980-aadkii, ayaa reer Somaliland waxay caado u noqdeen innay ehelka dibad-baxa ah wax kula xidhiidhaan cajalado.

Waxaa lagu soo ururiay cajalad duube, waxay ka sheekayn doonaan xidhiidh dhow oo nollosha qoyska ah, laakiin sidoo kale badbaadada intii lagu jiray dagaal toban sano socday oo ku dhammaaday ku dhawaaqistii madaxbannaanida 1991kii.

Dagaalkiii u dhexeeyay jabhadihii iyo taliskii millateriga ahaa ee Siyaad Barre ee fadhigoodu ahaa Muqdisho waxa la burburiyay 1988-kii qiyaastii 70 boqolkiiba Hargeysa.

Jaamac Musse Jaamac, oo ah maamulaha xarunta dhaqanka, ayaa ka sheekeeyay sida loo duubi jiray cajaladaha ee dhulka hoostiisa ah, iyadoo dadku ay si qarsoodi ah u kulmayaan si ay u sheekeystaan, cunista qaadka iyo siyaasadda.

“Ma sheegi karaan (waxyaabahan) meel fagaare ah,” ayuu yidhi. “Waxaad ka heli doontaa dhammaan wixii aan ku dhammaanin kuwa caadiga ah, duubista rasmiga ah ee gobolka – waxa ka dhacaya waddooyinka.”

Aqoonsiga

In ka yar 5,000 cajaladood ayaa la tiriyay oo kaliya 1,100 digitited ah, taas oo u hadhay hawl titanic ah Omer iyo kooxdeeda Afar saaxiibadood ah. laakiin waxa ay noqotay (odyssey) dhaqan ku habboon meel weli aqoonsi raadinaysa.

“Waxay daliil u tahay kuwa leh Somaliland ma jirto” ayuu yidhi Jaamac.

Waxa uu rumaysan yahay in shaqadiisa iyo Omer ay hagi doonto jiilasha soo koraya ee raadinaya wixii hore ee ay soo mareen – waa taariikh soo jireen ah oo ka baxsan colaadda gobolka ilaa waagii ay gumaysan jireen Talyaaniga iyo Ingiriiska iyo wixii ka dambeeya.

“Waxaan u baahanahay inaan siino aqoonsi,” ayuu yidhi.

“Dhammaan sheekooyinkan ka kooban aqoonsiga ummadda Somaliland waxay ku jiraan cajaladahaas.”ayuu raaciyay.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com