Mustaqbalka Ma Ka Badbaadi Karaa Murkucasho Siyaasadeed.?
Hargeysa(ANN)-Xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE, xukunka tallada dalka Jamhuuriyadda Somaliland si xidhiidh ah uga talinayay kaddib markii uu laba doorasho maddaxtooyo si isdaba joog ah ugu guulaysatay , taas suurta gelisay in ay xukunka isku wareejiyeen laba Madaxweyne, ayaa weli ku baarqabaynaya hoggaanka dalka.
KULMIYE, oo muddo dheer ahaa xisbiga ugu ballaadhan mucaaradka, isla markaana dad baddan oo shacbiga Somaliland xusuusan yihiin dhacdooyinkii taariikhda galay ee uu jilibka u dhigay iyo doorkiisa mucaaradeed ee abaabulka iyo isku duunbida, ayaa maalinta Axadda u dabaaldegaya sannad-guuradii labaatanaad ee uu saaxada siyaasada Somaliland si weyn uga dhex muuqday.
Munaasibadda Xisbiga KULMIYE, ayaa ah mid lagu xusayo labaatan guuradii kasoo wareegtay markii 20 sannadood ka hor oo ku beegan 22 May 2002, siyaasadga rug-cadaaga ah ee Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo aasaasay Xisbiga KULMIYE ee labaatan jirsaday.
Somaliland xiligaa waxay qaaday jidka nidaamka xisbiyada, geedisocodka dimuqraadiyada iyo doorashooyinka, iyadoo ka guuraysay nidaam beeleedkii ay kusoo nabad iyo caanno maashay tobban sanandood iyo saayid.
Axmed Siilaano, wuxuu xilligaa yagleelay xisbiga bilawgii lagu aflaxay Somaliland tartanka Ururada iyo axsaabta qaranka, kaas oo ahaa kii u horeeyay ee la doonayay in dhabaha nidaamka axsaabta loogu gudbo, wuxuuna KULMIYE ka mid ahaa ururkii u danbeeyay ee is diiwaangeliya si uu uga qaybgalo tartanka doorashooyinka Urirada siyaasada iyo axsaabta ee lagu lamaaneeyay gollayaasha deeganaka.
Axmed Siilaanyo oo ahaa hoggaamiye doorkiisii hoggaamineed ee halganka Ururkii SNM ee taliskii Maxamed Siyaad Barre ka xorreeyay dalka iyo dib u dhiskii dalka ee xilliyadii kala duwanaa, waxa yagleelida xisbiga uu seeska uga dhigay shax deegaamaysan oo awood u siinay inuu deegaan walba ka dhex muuqdo, taas oo sabab u noqtay xawaaraha uu durbadiiba kaga muuqday saaxada.
Sidoo kale, waxa ku hareerra joogay Axmed Siilaanyo aasaaska xisbiga siyaasyiin iyo aqoonyahan ay ka mid ahaayeen Allah u naxariistoo Siyaasigiii Maxamuud Saalax Nuur Fagadhe, Cabdi Xasan Buuni, Maxamed Rashiid Sh, Xasan, Xildhibaan Cabdiraxmaan Gaagaale, Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda sarre ee Somalialnd, Faysal Xaaji Jaamac, Daa’uud Maxamed Gelle, Siraad Cali Yuusuf oo ahayd haweenayda kaliya ee Ururada iyo Axsaabta ka noqotay gudduomiye ku xigeen, waxayna dhammaantood magacyada aynu halkan kusoo taxnay ku danbeeyeen geeri.iyo in ay aakhiro u hoydaan.
Sidoo kale, waxa jiray aqoonyahan, qurbajoog, waddado, dhalinyaro rag iyo haweenba lahaa oo guddaha dalka iyo dibedda kaga xidhiidhsanaa iyo ashqaas qaybaha kala duwan ee Bulshada ka koobnaa.
Markii la gaadhay tartankii Ururrada ee loogu gudbayay Axsaabta, wuxuu KULMIYE noqday mid si lama filaan ah ugu soo gudbay kaalinta labaad, isagoo noqday xisbiga labaad ee dalka, halka xisbiguu uu aasaasay siyaasigii weynaa ee seeska u dhigay qorshaha nidaamka axsaabta iyo doorashooyinka Allah ha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo aasaasay Xisbiga UDUB oo tallada hayay, isla markaana auu hoggaaminayo Madaxweynihii dhaxlay tallada Daahir Rayaale Kaahin xisbiga uu dhaxlay ee UDUB kaalinta koowaad galay doorashooyinkii tartanka Ururada iyo Axsaabta iyo gollayaasha deeganaka dalka ee qabsoomay Dec 2002.
Khilaaf ka dhashay hoggaaminta SAHAN , ka hor intii aan la gaadhin tartanka Ururrada ayaa sababay in xubno kasoo cadhooday kusoo biiraan KULMIYE, kuwaas oo uu ugu tun weynaa Muj. Muuse Biixi oo xilligan ah Madaxweynaha iyo guddoomiyaha KULMIYE, ee labada xil kala wareegay Axmed Siilaanyo .
Natiijadii doorashada, kaddib waxay Ururadii hadhay ee aan u gudbin xisbiyo ku kala biiree saddexda Xisbi, wallow labada Xisbi ee KULMIYE iyo UDUB ay la kala safteen, ka hor doorashadii Madaxtooyadda, taas oo saamayn ku yeleatay qorshihii tartanka murrashaxiinta Madaxtooyadda ee KULMIYE, kaddib marikii uu Muj Cabdiraxmaan Aw Cali oo garab mujaahidin ah oo ka mid ahaa Ururkii ASAD ee uu hoggaaminayay Saleebaan Maxamuud Aadan dhinaca KULMIYE usoo diga rogteen, halka Saleebaan iyo koox kale dhinaca xisbiga UDUB iyo xukuumadda uu hoggaaminayay Madaxweyne Daahir Rayaale u huleeshay, kaddib wadhadal wax laysu oggolaaday.
Qorshihii Axmed Siilaanyo ee murrashaxa madaxweyne ku xigeenka oo markii hore Siyaasiga Maxamuud Saalax Nuur Fadhade u muuqday in uu safka hore kala ciyaarayo, waxa wax ka beddelay doorashooyinka deegaamada Sool inta baddan marka kaga reebo Caynabo iyo Bariga Sanaag aannay macquul ahayan in ay ka qabsoomaan, sidaa awgeed Siyaasiga Cabdi Xasan Buuni ayaa murrashaxa ku lamaan Axmed Siilaanyo ahaa qofka ugu dhow, balse kooxda Askarta mujaahidiinta Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax Hoggaaminayay ayaa muquuniyay Cabdi Buuni, taas oo sababtay in dhaawac ka dhashay doorashadaa uu soo gaadho Xisbiga oo xilligaa curdin ah, isla markaana a doorashadii Madaxtooyadda fooda kusoo hayso oo dhawr bilood keliya ka xigaan.
Siyaasiga Cabdi Xasan Buuni, Faysal Xaaji Jaamac, Maaxamed rRashiid Sh. Xasan , Dr. Xaddi iyo rag kale oo aqoonyahan u badnaa, ayay sabab u noqdeen kooxdii jabhada ahayd ee kasoo hadhay ASAD in ay barabixiyaan, iyadoo sidaa kaga dareeray hoolka doorashada murrasjhaxa Madaxweynaha iyo ku xigeenka ee xisbiga KULMIYE oo lagu qabtay Hay’addaha shaqaallaha.
Doorashadii Madaxtoooyadda May 2003, Kulmiye waxa lagaga guulaysaty 80 cod, wallow natiijada doorashada si weyn KULMIYE, u saluugeen, isla markaana murran ka dhashay, balse Axmed Siilaanyo iyo xisbigiisu iska liqeen tabasahdodoa, iyadoo Axmed Siilaanyo xilligaa weedho diiwaanka siyaasada galay laga guntay, isla markaana tanaasulka tirada yare e codadka salka looga dhigay natiijada doorashadda Madaxtooyadda Somaliland ee 2003, ayaa noqotay arrin si weyn usoo jiidatay indhaha caalamka.
Somalialnd xilligaa waxay u dhaqaaqday jihadda nidaamka xisbiyada, dimiqraadiyadda iyo doorashooyinka hal qof iyo hal cod, (One Person One Vote) taas oo la yaab ku ahayd dunnida in dal yar oo aan wax taageero ah ka helin dunnida kale, isla markaana aan wax xidhiidha la hayn dunida oo kasoo kabbanaya burbur dagaalo iyo dhibaatooyin ka dhashay collaadihii iyo xasuuqii dawladdii Millateriga ahayd ee Maxamed Siyaad Barre suurageliyo doorashooyin xukunka lagu tartamo oo weliba tiro intaa leeg lagu kala guulaysto, taas oo noqotay rajo dunnida u muujisay in Afrika oo caan ku noqotay in xukunka awood Millateri iyo qoriga laysku muquuniyo tusaale wanaagsan u noqoon karto dimuqraadiyadda iyo doorashoouyinka Somaliland.
Xilligan KULMIYE, waa xisbi labaatan jirsaday oo qaangaadh ah, isla markaana aan la dheylsan karin, wallow ay jiraan dhaliilo si dhow dadka qaar ugu fiiqayaan farta mustaqbalka xisbiga Maalmihii iyo marxaladdihii KULMIYE, murkucashooyinkii siyaasadeed iyo marxaladda uu ku qaangaadhay, marinka u bannaan iyo mustaqbalka siyaasada ayaynu kusoo qaadanaynaa mawduucyo kale
Isha ku hay mawduucan
Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.
Published by Araweelo News Network.
Follow us Twitter@Araweelonews
Facebook@AraweeloNews
By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.
Araweelo News Network.
info@araweelonews.com