X

Somaliland Kulan Ballaadhan Oo Lagu Faaqiday Arrimaha Doorashooyinka 

Araweelo News Network

#Somaliland: Maxaa Kasoo Baxay Kulanka Arrimaha #Doorashooyinka?

#Hargeysa(ANN)-Kulan ballaadhan oo lagaga hadlayay arrimaha doorashooyinka #Somaliland ee loo muddeeyay #31 @May 2021, ayaa maanta lagu qabtay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

Kulanka arrimaha Doorashooyinka Somaliland ee Qasruga Nadaxtooyadda 10 May 2021, Araweelo News Network.

Kulankaa oo ay ka qaybgaleen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, hoggaanka saddexda xisbi qaran, xubnaha guddida doorashooyinka, guddoomiyaha maxkamadda sare, Xeer ilaaliyaha guud iyo ku-xigeenkiisa iyo xubno kamid ah golaha wasiirrada.

Madaxweynaha waxa guddoominayay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxayna dhinacyadu ku lafo-gureen sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho lagu wada raalli yahay, islamarkaana uu dhinac waliba diyaar u noqdo u hagarbaxa qabsoomidda doorashooyinka.

 

Guddida doorashooyinka qaranka oo warbixino ka jeediyay kulankaa, ayaa tilmaamayinay dhinacooda doorashadu diyaar ka tahay, dhammaanba dhinacyada kale ee ay doorashadu Khusaysana ay uga baahan yihiin taageero niyadsami leh.

 

Guddoomiyeyaasha xisbiyada UCID iyo WADDANI, Eng. Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali-waraabe) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo ka hadlay kulankaa ayaa dhankooda sheegay inay si hagar la’aan ah diyaar ugu yihiin inay dalka ka qabsoonto doorasho hufan oo waqtigeeda ku qabsoonta, kalsooni buuxdana u hayaan guddida doorashooyinka ee doorashada hagi doonta.

Kulanka arrimaha Doorashooyinka Somaliland ee Qasruga Nadaxtooyadda 10 May 2021, Araweelo News Network.

Markaa kadib Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ah guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa madaxda Axsaabta mucaaridka uga mahadnaqay dedaalka iyo daacadnimada ay ka muujiyeen u diyaargarowga iyo qabsoomidda doorashada, isaga oo xubnaha Komishankana ku bogaadiyey inay muddo kooban ku dhaqangeliyeen inay dalka ka diyaariyaan doorasho dhinacyada oo dhammi ku kalsoon yihiin, qabsoomiddeedana  la wada sugayo.

 

Madaxweyne Biixi waxa uu Akhriyey qaar kamid ah qoddobada bud-dhigga u ah shirka ballaadhan ee ay qabsadeen, kuwaas oo ay ugu muhiimsanayeen tirada maalmaha ololaha ay xisbiyadu isla qaateen in la yareeyo maaddaama oo waqtigu kooban yahay, waxana uu yidhi,“Waxaynnu ku heshiinnay in Ololuhu noqdo Lix maalmood oo uu xisbi waliba laba maalmood ololaha gelayo, weliba waxannu go’aaminnay oo xisbiyadu Komishanka ka codsanayaan xisbi waliba maalin buu goobta fagaaraha  Beerta xorriyadda tegayaa, gobolladana goobta qaranka ka dhexaysa ee goobta weyn ah tegayaa, Bannaanbax guudna maalin buu leeyahay, maalinta labaadna wuxuu ku ololaynayaa degmooyinka oo ma imanayo goobta fagaaraha weyn, innagoo nabadgelyada eegayna, innagoo kharashaadka eegayna culayska eegayna, Komishankana siinayna inay hawlahooda u gacan furnaadaan oo aanay ku Arbushmin hawlo kale.”

 

Madaxweyne Biixi oo ka hadlayay waxyaabah nuxur ahaan laysla qaatay ee kasoo baxay shorkaa, ayaa yidhi, “Waxa kale oo aannu isku raacnay in wixii qaddar Rabbaaniya ah ee aynaan immika ogayn ee ka dhaca  hawlaha Komishanka, dadka xisbiyada u jooga goobtaas ama muraaqib ha noqdo ama ha ahaado qolada xisbiyada  uga wakiilka ah la shaqaynta Komishanka, ayaa ka wada-tashanaya, go’aanka kama dambaysta ahna waxa leh Komishanka qaranka.Dacwadaha waxaynu isla qaadannay oo aynnu door bidnay in haddii ay timaaddo in goob dacwadi ka abuuranto, marka hore waxa ku filan goobta cidda ka joogta Komishanka iyo xisbiyada, haddii ay kari waayaanna waxay u imanaysaa Komishanka, haddii ay xallin kari waayaanna oo ay dacwad tagtona dacwaddaas waxa ka wakiil ah xisbiyada.”

 

Gebagebadii madaxweynuhu, wuxuu caddeeyey inay xukuumad ahaan diyaariyeen Kharashkii iyo ilaalinta dhammaanba goobaha ay doorashadu ka qabsoomi doonto, isaga oo bulshada reer Somaliland-na usoo jeediyey inay doorashada u diyaar garoobaan, kana dheeraadaan wax kasta oo caqabad ku noqon kara doorashada.

 

Araweelo News Network

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post