X
    Categories: Warar

Somaliland: Ku-Xigeenka Ergeyga Khaaska Ah Ee Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Iyo Ujeedada Booqashadiisa Saddexda Maalmood Ee Hargeysa

Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici” Adam Abdelmoula.

Hargeysa (ANN)–Ku-xigeenka Ergayga khaaska ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaalida Adam Abdelmoula, ayaa booqasho ku yimi Somaliland, isla markaana kulamo la yeeshay Masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland.

Qoraal saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Hargeysa oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Shebekadda Araweelo News Network, ayaa u dhignaa sidan:-

“Md. Adam Abdelmoula oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa booqasho ku yimid Somaliland 27kii ilaa 29kii January isagoo kulano la qaatay xukuumadda kuwaas oo ku saabsan arrimaha bani’aadanimada iyo hadafyada mudnaanta u ah horumarinta Somaliland. Wuxu sidoo kale kulano la mid ah la qaatay hay’adaha aan dawliga ahayn iyo kuwa Qaramada Midoobay. Adam wuxu ka shaqayn jiray Hargeysa muddadii u dhaxaysay 1999 ilaa 2002 hase ahaatee safarkani waa kiisii ugu horreeyey tan iyo intii dhammaadkii sannadkii hore loo magacaabay Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Isu-duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Isu-duwaha Arrimaha Bani’aadanimo.

Md. Adam Abdelmoula madaxda sare ee dawladda ee uu la kulmay waxa ka mid ahaa Madaxweyne-Xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil “Saylici”. Md. Abdelmoula wuxu hadalkiisa awoodda ku saaray sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha muddada dheer soo taagnaa: “Waxaynu og nahay in Somaliland iyo deegaanada ku hareeraysan ay saameeyeen Abaaraha soo noq-noqday iyo barakaca bulshadu” ayuu yidhi Adam.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay dhibaatooyinka iyo sida looga gaashaaman-karo, isagoo yidhi, “Maaha taasi wax lala yaabi karo, laakiin waxa ka dhashay dhibaatooyin soo taxnaa ku dhawaad 20-kii sannadood ee u dambeeyey, taasina waxay innoo sheegaysaa in aynu u baahan nahay in aynu la nidaamno qaabab cusub oo aynu dhibaatooyinkaa wax kaga qabanayno.”

AKHRI: Waajibaadka Xafiiska Q. Midoobay Ee Cusub, Qorshayaasha Iyo Ujeedooyinka Uu Fulinayo Ee Khilaafsan Qadiyada Iyo Madaxbanaanida Somaliland, Warbixin: By. Carraale M. Jama

Kadib kulan uu Ku-Xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay la qaatay Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md. Xasan Maxamed Cali “Gaafaadhi” wuxu yidhi, “Waxan rajaynayaa in aan dhakhso u soo noqdo oo aan kulano iyo falanqayn intan ka qoto dheer la yeesho Xukuumadda oo aanu ka wada shaqayno arrimaha horumarinta, iyadoo aannu hadda ku gudo jirno diyaarinta Hannaanka Wada-shaqaynta Qaramada Midoobay”.

Intii uu joogay Hargeysa, Md. Abdelmoula wuxu sidoo kale booqday mashaariic ay wadaan UNHCR, UNFPA iyo IOM.

-Dhammaad-

Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh Olga Cherevko: cherevko-barrett@un.org ama Mustafe Khaire: Mustafe.khaire@one.un.org

AKHRI: Ujeedada Xafiiska UNSOM Iyo Awoodaha Uu Leeyahay

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post