X

Somaliland: Kommishanka Xuquuqda Aadamaha Oo Sheegay Tacadi Iyo Jidh-dil Loo Geystay Siyaasiyiinta iyo Suxufiyiinta

Siyaasiyiinta Axsaabta mucaardka WADDANI iyo UCID ee la xidhay 9 Jun 2022.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Kommishanka xuuqquda Aadamaha ee Qaranka, jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka hadlay xaaladda maxaabiista siyaasada ee labada Xisbi iyo suxufoyiinta oo maanta Khamiistii 16 Jun 2022, markii u horraysay muddadii ay xidhnaayeen la horkeenay maxkamadda Hargeysa si rumaan loogu hayo.

Qoraal ay soo saareen Kommishanka xuuqda Aadamaha ee Somaliland ,(Somaliland National Human Rights Commission)  waxay ku xaqiijiyeen in markii mudahaardku dhacay 9 Jun 2022, la xidhay dad gaadhaya 34 qof, kuwaas oo 14 siyaasi oo ka mid ah saraakiisha labada xisbi ee WADDANI iyo UCID iyo laba weriye oo ka tirsan SAABTv  dhammaantood loo qaaday Xabsiga Mandheera, iyadoo dadkii kale lagu reebay saldhiga dhexe ee Hargeysa.

Laxidhiidha: Somaliland: Saraakiisha Mucaaradka Ee Xabsiga Ku Jira Oo Loo Diiday Qareeno

Kommishanka Xuquuqda Aadamaha ee Qaranka, ayaa xaqiijiyay in siyaasiyaasinta axsaabta mucaardka loo diiday Qareeno u dooda iyo xataa in ay booqdaan Eeheladooda iyo asxaabtoodu, isla markaana ay u xaqiijiyeen in Jidh-dil loo geystay markii lagu xidhay saldhiga ilaa markii lagu soo waday, iyadoo dad aan sidan calaamad Boolis oo shacab u muuqda ay qaarkood soo xidheen.

Qoraalka, waxa kale oo ay Kommishanku ku sheegeen in siyaasiyiinta iyo weriyayasha xidhan aannay oggayn meel la geeyay Mobile-ladoodii, waxayna Kommishanku ka digeen tacadiyada sidan oo kale ah oo khilaafsan qaanuunka iyo Distoorka, isla markaana ka baxsan bini’aadanimada, iyagoo dhinaca kalena xusay in awood aan caadi ahayn loo adeegsaday dadkii mudahaaradayay 9 Jun 2022.

Sidaa darteed Kommishanka xuquuqda Aadamaha Qaranka,(Somaliland National Human Rights Commission)  ayaa  ugu baaqay Hay’addaha ay khusayso in qof walba oo xorriyadiisa looga qaaday mudahaaradka dhacay uu helo caddalad.

 Qoraal Saxaafadeedka Kommishanka Qaranka ee Xuquuuqda Aadamaha halkan ka daalaco.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post