X
    Categories: Warar

Somaliland: Kommishanka Qaranka HIV/AIDS Oo Soo Gebagebeeyay Shirka Qabaya Qoraalka Istiraatiijiyadda Iyo Wada Xidhiidhka

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Kommishanka Qaranka Somaliland ee HIV/AIDS (SOLNAC), ayaa soo gebagebeeyay kulan gorfaynayay qabya qoraalka Siyaasada Istiraatiijiyada Qaranka ee ku waajahan xannuunka uu sababo fayriska HIV/AIDS,

Kulanka oo saddexdii maalmood ee u danbeeyay si xidhiidh ah uga socdayHuteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa intii u dhaxaysay 15 ilaa 17 March, 2022, ayaa lagu faaqiday qabya qoraalka siyaasada lagu hagayo xannuunka uu sababo Fayriska ee HIV/AIDS oo Kommishanka qaranku soo diyaariyeen, waxaana ka qaybgalay 150 qof oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee warbaahinta Somaliland, wasaaraddaha dawladda, hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin Kommishanka iyo shaqsiyaad ka socday qaybaha kale ee Bulshada ah.

Muddadii kulanku socday, waxa lagaga dooday qabya qoraalka siyaasada qaran ee HIV/AIDS iyo qaabka wada xidhiidhka, waxaana daadihinayay laba khabiir oo kala ah  Mubaarik Cabdiraxmaan Maxamed Maal iyo Sidoo kale, Caydaruus Barre oo sharaxaad ka bixiyay Qabya qoraalka Siyaasada Qaranka ee la doonayo in lagu maamulo xannuunka HIV/AIDS, oo kulanka lagaga dooday.

 Ka qaybgalayaasha ayaa doodda kusoo bandhigay, isla markaana su’aalo la xidhiidha mawduuca ka weydiiyay labada khabiir ee daadihinayay intii uu socday, isla markana waxa dooddaha qaarkood su’aalaha ka dhashay qaabka loo waajahayo wacyigelinta iyo sidii wax looga bedeli lahaa fekerka Bulshadu ka haysato xannuunka HIV/AIDS, iyo sida loo;la macaamilayo qofka uu lu dhaco xannuunka oo Bulshada kala kulmo dhibaatooyin takoor ah oo lagu faquuqayo, sidaa awgeed loo baahnayahay in meesha laga saaro takoorka lagu haya dadkaa.

Agaasimaha Kommishanka Qaranka HIV/AIDS, Axmed Cabdi Ismaaciil oo ka hadlay xidhitaankii kulanka, ayaa sheegay in kulanka ujeeddadiisu ahayd sidii loo heli lahaa siyaasad qaran oo lagu maamulo xannuunka HIV/AIDS, sidoaa awgeed loo baahanyahay in qaran ahaan wax laga bedelo fekerka khaldan ee Bulshadu ka haysto xannuunka.

Sidoo kale, Agaasimaha KommishankaAxmed Cabdi, wuxuu sheegay in qabaya qoraalka siyaasada qaranka ee lagu falanqeeyay kulanka ay meel marinayaan, isagoo xusay in inuu wax weyn ka tarayo sidii xannuunka loo hakin lahaa, isla markaana wuxuu balanqaaday in la xoojinayo wacyigelinta ku waajahan Bulshada ee xannuunka HIV/AIDS, isagoo xusay in kulamo kale oo sidan oo kale ah ay qabanayaan si loo xoojiyo siyaasada iyo qorshaha lagula tacaalayo xannuunka.

Arrimaha sida qotada dheer loogu faaqiday saddexdii maalmood ee kulanku socday waxa sidoo kale qayb ka ahaa qaabka ay warbaahintu u wajahayaan warbixinaha la xidhiidha mawduucyada ku saabsan marka laga warbixinayo arrimaha la xidhiidha xanuunka uu sababo faysriska HIV/AIDS-ka iyo qaabka farriimaha lala wadaagayo Bulshada loo gudbinayo.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post