X

Somaliland Kommishanka Doorashooyinka Qaranka Oo Qabtay Kulan Rajjo Ka Muujiyay Qabsoomida Doorashooyinka 

Hargeysa (ANN) – Kommishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland (KDQ) ayaa maanta si rasmi ah u qabtay kulankii ugu horreeyey ee isbarasho iyo is-xogwaraysi ah oo ay la yeesheen Guddida Hawlgalinta Xisbiyada Qaranka (Taskforce) ee dhawaan ay soo magacaabeen saddexda Xisbi Qaran ee Kaah, Kulmiye, iyo Waddani.

Kulankan oo ujeeddadiisu ahayd isbarashada xubnaha cusub ee Guddida Hawlgalinta iyo KDQ, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac si horumarin ballaadhan loogu sameeyo hawlaha diiwaangelinta iyo diyaarinta doorashooyinka soo socda.

Intii uu kulanku socday, KDQ waxa uu warbixin dhamaystiran ka bixiyay shaqooyinka muhiimka ah ee u qabsoomay muddadii shanta (5) bilood ee la soo dhaafay, kuwaas oo bud-dhig u ah tayaynta nidaamka doorashooyinka iyo kor-u-qaadista awoodda hawl-fulineed ee hay’adda. Shaqooyinkaasi

waxaa ka mid ahaa:
1. Shirka Dib-u-eegista Casharradii laga bartay Doorashadii Madaxtooyada iyo Xisbiyada Qaranka JSL.

2. Safar shaqo oo KDQ uu ku tagay dalka Kenya, halkaas oo ay kulamo la yeesheen qaadhaan-bixiyeyaasha iyo safiirrada taageera arrimaha doorashooyinka Somaliland.
3. Diyaarinta Qorshaha Istiraatijiyadeed ee KDQ ee shanta sano ee soo socota, iyo dhammaystirka Siyaasadaha iyo Habraacyada Xafiiska KDQ.
4. Hantidhowr lagu sameeyey nidaamka Diiwaangalinta Doorashooyinka, iyadoo la adeegsanayo shirkadda caalamiga ah ee KPMG, oo ka mid ah shanta shirkadood ee adduunka ugu sarreeya dhanka hantidhowrka. Warbixinta KPMG ayaa si qoto dheer u qiimeysay nidaamka Diiwaangalinta, taas oo wax weyn ka tari doonta horumarinta iyo hufnaanta Diiwaanka Doorashooyinka.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa xusay in kulankan uu yahay bilowga wada-shaqeyn dhow oo labada dhinac ee arimaha nidaamka diiwaangelinta iyo diyaarinta doorashooyin xor ah, xalaal ah, oo hufan.

DHAMMAAD

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Follow us or Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

Join our Telegram Channel https://t.me//araweelonews

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

Join the conversation. Follow us on X (Formerly Twitter) @araweelonews to get the Latest news headlines from the horn of Africa, Somaliland, Somalia, Djibouti, Eritrea, Kenya, and Ethiopia. News, Political, Commentary, Features, Social Affairs, Culture, Health & Education and Human Rights issues.updates regularly. Subscribe to @AraweeloTv/videosYouTube channel AraweeloTv To share information or for submission, send e-mail to e-mail info@araweelonews.com

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post