X
    Categories: Warar

Somaliland: Komishanka Qaranka Oo Ka Hadlay Xiliga Ay Ku Dhawaaqayaan Natiijada Kana Hadlay Sida Wax U Socdaan

Araweelo News Network

Guddoomiyaha Komishanka Qaranka Somaliland Cabduqaadir Iimaan

Hargeysa(ANN)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa ka hadlay xiliga ay shaacinayaan natiijada hordhaca ah ee doorashadda Madaxtooyadda.

Guddoomiyaha Komishanka Qaranka Cabduqaadir Iimaan oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in gebi ahaan doorashadii si fiican u dhacaday, Isla markaana sanaaduuqdii 1642 goobood oo dalka ah ay kusoo xeroodeen 21 Degmo doorasho oo ay ka anbabaxeen si nabadgelyo ahna kusoo dhammaadeen, iyadoo sida uu sheegay aanay waxba ka dhinayn, tirintiina ay saaka bilaabantay ,marka laga reebo Degmada Hargeysa oo iyadu aad u ballaadhan, sida uu sheegay.

Gudoomiyaha Komishanka Cabduqaadir Iimaan, wuxuu sheegay in Natiijada doorashada ee hordhaca ah ay qaadanay Lix Maalmood Ilaa Shan maalmood, balse waxa uu ka digay in warbaahinta Iyo axsaabtu shaaciyaan natiijo aan sax ahayn oo sida uu sheegay waxyeelo u geysan karta ammaanka qaranka, waxayna wararka noocaa ah ee la leeyahay Xisbi hebel ayaa ku horreeya gobolkaa Iyo waxa la kala marayaa intaa ay tahay waxyaabo been ah oo aan loo baahnayn.

“Waxan warbaahinta, axsaabta Iyo Bulshada kaleba ugu baaqaynaa in aan la shaacin natiijooyin been ah oo aan ahayn kuwo sharci ah, waana inaad ogaataan Inay yihiin kuwo Qaranka waxyeelo gaadhsiin kara.” ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanka Qaranka Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post