X
    Categories: Warar

Somaliland: Komishanka Doorashooyinka Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Kaadh-qaybinta Ka Bilaaabantay Gobolada Qaarkood

Araweelo News Network

muuqaal dad ku jira safafka diiwaangelinta


Hargeysa (ANN)- Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixiyey qaybinta kaadhadhka codbixinta doorashooyinka soo socda oo ka bilaabmay qaar ka mid ah gobollada dalka.
Hawlgalka qaybinta kaadhadhka codbixinta, ayaa si rasmi ah uga bilaabmay gobolladii ugu horreeyey dalka oo kala ah Awdal, Saaxil iyo qaybo ka mid ah Sanaag Sabtidii, waxaanna Guddiga Doorashooyinku sheegeen inay si nabadgalyo ah uu furmay qorshaha kaadh-qaybintu.
Guddiga Doorashooyinku waxay shaaciyeen in qaybinta kaadhadhka codbixinta ay ka socon doonto gobol kasta muddo 21 maalmood ah oo ka kooban saddex weji oo loo kala qaadi doono bixintiisa.
Qoraal kooban oo lagaga hadlay kaadh-qaybintan oo lagu baahiyey shabakadda macluumaadka Internetka ee Komishanka Doorashooyinka shalay, waxa lag yidhi, “Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa uu saaka 07:00 subaxnimo ka bilaabay qaybinta kaadhka codbixinta Gobolada Awdal, Saaxil iyo xeebaha Sanaag. Shaqaalihii ka hawlgalaayey goobahaas waxay si habsami leh ugu bilaabeen qaadashada kaadhka, bulsho badan oo u soo baxay in ay ka faa’iideystaan fursadaas qaaliga ah ee Komishannka Doorashooyinka Qaranku u keenay.
Dadkii qaadanaayey kaadhadhka oo ay ka muuqdeen farxad iyo niyad-wanaag waxay aad ula dhacsanaayeen sida hawsha yar ee loogu soo diyaariy3y qaadashada kaadhadhkooda codbixinta.
Muddada ay kaadh-qaybintu ka socon doonto magaalooyinka waa 7 casho, goobaha ka baxsan magaalooyinka waa 5 casho, intaas kadib waxa lagu soo celin doonaa kaadhadhka wixii aan la qaadan xaarumaha Komiwhqnkq Doorashooyinka Qaranka ku leeyahay degmooyinka, halkaas oo ay sii ooli doonaan lagana doonan karo muddo 14 casho oo dheeri ah. Isugeyn gobol kasta waxa ay ka socon doontaa kaadh-qaybintu muddo 21 casho ah, intaas wixii ka dambeeya ciddii aan qaadan kaadhka waxay la soo xidhiidhi doonaan Xarunta Guud ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee Hargeysa si ay u helaan fursadna loogu siiyo qaadashada kaadhkooda.”
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Md. Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo warbaahinta kula hadlay magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal oo isaga iyo xubno kale oo Guddiga Doorashooyinka ahi ay u joogaan hawshan, sheegay in si nabadgalyo ah ay u furmeen dhammaan goobaha saddexda gobol ee laga bixinayo kaadhadhka codbixinta.
“Saaka (shalay) waxa si rasmi ah u bilaabay qaybinta kaadhadhka codbixinta oo laga qaadanayo gobollada Gobollada Awdal iyo Saaxil iyo 12 goobood oo ah Gobolka Sanaag, Ilaahay baa mahadda leh ee si nabadgalyo leh ayey dhammaan goobihii kaadh-qaybintu u furmeen, loona bilaabay in kaadhadhkii codbixinta la qaato. Annagu Boorama ayaanu joognaa, dhammaan gobolka Awdal 162-kii goobood way wada furmeen, waxaannu caddaynayaa dadweynaha in goobihii awalba la iska diiwaangeliyey ama doorashooyinkii hore ay ka dhici jireen ayey ka furanyihiin,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiqaadir Iimaan Warsame.
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post