X
    Categories: Warar

#Somaliland: Komishanka Doorashooyinka Oo Shaaciyay Jadwalka Doorashooyin Xeerkoodii Iyo Dhaqaalihii Lagu Maamuli Lahaa Masraxa Ka Maqanyihiin

Kulanka ka qabsoomay xarunta dhexe ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo Hoggaamiyayaasha Axsaabta 23 August 2020, Araweelo News Network.

By Arraale M Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Hargeisa Somaliland
Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa kulan albaabada loo xidhay la yeeshay Hoggaanka saddexda Xisbi ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankaa oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka maanta waxa xubnaha Komishanka ku weheliyay Axsaabta qaranka, waxaana kulankaa oo sida ay sheegeen Guddida Doorashooyinku lagaga wada hadlayey qabsoomida iyo dar-dargelinta doorashooyinka foolka inagu soo haya ee Golayaasha Baarlamanka iyo Dowladaha Hoose.
Labada Guddoomiye Xisbi ee WADDANI iyo UCID iyo Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Xisbiga KULMIYE oo ay wehelinayaan saraakiil kale oo socday xisbiyada, waxay xubnaha Komishanka kaga wada hadleen arrimaha carqalada ku ah sidii ay doorashooyinka oo marar baddan dib u dhaci ku yimi uga dhici lahaayeen dalka.
Balse kulankaa oo aannay warbaahintu goob-joog ka ahayn, waxa markii uu dhammaaday qoraal saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Komishanka oo warbaahinta loo qaybiyay lagu sheegay in ujeedada kulanku ahaa sidii ay axsaabta iyo Komishanku uga wada hadli lahaayeen carqalada hortaagan doorashooyinka iyo sidii looga wada hadli lahaa duruufaha ku xeeran.
Qoraalka Komishanka, ayaa lagu yidhi, “Komishanka doorashaooyinka qaranku, isagoo si madax-banaan u gudanaya waajibaadkiisa sharci ee ku xusan Xeer Lr.37/2007, Xeer Lr.20/2001 iyo Xeer Lr. 20-2/2005, waxa maanta oo taariikhdu tahay, 23/8/2020, komishanka doorashooyinka qaranku soo saaray Jadwalkii Diiwaangelinta Codbixiyayaasha iyo Doorashooyinka isku sidkan ee GolayaashaWakiillada iyo Deegaanka.” Ayaa lagu yidhi qoraalka.
Komishanka, ayaa qoraalka ku sheegay in ay in muddo ah ku hawlanaayeen, kana baarraaandegayeen sidii loo heli lahaa diiwaangelinta iyo doorashooyin u qabsooma sida ugu suuragalsan, uguna hubsiimada baddan, waxayna sheegeen inuu komishanku fadhiyo wadatashi arrimahaa kala yeeshay xisbiyada qaranka.
Sidaa awgeed, waxay qoraalka ku sheegeen in Jadwalka diiwaangelinta codbixiyayaasha iyo doorashooyinku ka kooban yahay saddex qaybood oo kala ah, sidan:-
“Qaybta 1aad, diyaar-garawga guud ee diiwaangelinta codbixiyayaasha. Qaybta 2aad, qabsoomidda diiwaangelinta codbixiyayaasha. Qaybta 3aad, diyaarinta iyo qabashada doorashooyinka golaha wakiillada iyo golayaasha deegaanka oo isku sidkan.

AKHRI: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Sheegay In Dacwadda Madaxweyne Bixii U Gudbiyay Aanay Ku Jirin Kootada Haweenku

“Jadwalku, wuxuu ku muddansanyahay muddo 9 bilood ah, waxaana fulintiisa iyo hawlgalkiisa laf-dhabar u ah dhamaystirka sharci iyo dhaqaale.” Ayaa lagu yidhi, qoraalka kasoo baxay Xafiiska Komishanka doorashooyinka qaranka, kaas oo ay si cad ugu sheegeen in aannay xilligan ay jadwalka samaynayaan diyaar ahayn sharcigii doorashada ay muddeeyeen iyo dhaqaalihii lagu hawgeli lahaa, isla markaana Komishanku ma faah-faahin qaabka ay jadwalkooda oo u muuqda mid lasoo qadimay oo aan ka turjumayn waaqaca u waafajinayaan waaqaca, maadaama ay qirayaan qabyada ay sheegeen ee sharcigii iyo dhaqaalihii oo aan weli diyaar ahayn. Sida uu Jadwalkoodu u noqonayo mid xaqiiqda qorshooda ay muddeeyeen ka turjumaya.
Kulankaas oo si guula ku soo gaba-gaboobay ayaa lagu falanqeeyey arrimaha ku gedaaman qabsoomida doorashooyinka fooda inagu soo haya.

Dhinaca Hoggaamiyaasha Axsaabta ayaan wax war ah kasoo saarin natiijada kulanka ay yeesheen, balse Guddoomiyaha Xisbiga Mucaardka WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro, ayaa qoraal kooban oo uu bartiisa Twitter soo dhigay ku sheegay in Guddoomiya NEC iyo 3 xisbi qaran ee qaran (WADDANI, UCID & KULMIYE) ay maanta soo gabagabeeyeen wada hadalokoodii ku saabsanaa waqtiga la qabanayo doorashada wadajirka ah ee Golaha Wakiillada iyo gollayaasha deegaanka. Isagoo qoraalkaa kooban ku xisay in ay ku heshiiyeen in doorashada lagu qabto muddo sagaal bilood gudahood ah, isla markaana ku beegan May 2021, walaw aannu wax faah-faahin ah ka bixin suurta-galnimada qabsoomida doorashada iyo jadwalka ay soo saareen Komishanku, iyadoo aannay gacanta ugu jirin sharcigii iyo dhaqaalihii lagu qaban lahaa doorashooyinka oo masraxa ka maqanyihiin, isla markaana ay taagan yihiin dhawaaqyo iyo doodo la xidhiidha qaabka loo qaybinayo kuraasta Baarlamaanka.

By Arraale M Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Hargeisa Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post