X
    Categories: Warar

Somaliland Kiisaska Coronavirus Oo Gaadhay Tiradii Ugu Badnayd

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa shaacisay in tiradii ugu badnayd laga helay  xannuunka Covid-19, taas oo kor u dhaaftay 200 qof, kaddib markii baadhitaan caafimaad lagu sameeyey dad looga shakiyay inay qabaan xannnuunka, kuwaas oo markii ay wasaaradda Caafimaadku baadhitaan ku samaysay xaqiijiyey 35 kiis oo cusub oo COVID-19 ah.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ee Somaliland, Dr Maxamed Cabdi Xergeeye oo warbaahinta siinayay maanta warbixinta maalinlaha ah ee Cuddurka Covid-19, ayaa sheegay in 24-kii saacadood ee u dambeeye 90 qof oo baadhintaan lagu sameeyey 35 ka mid ah laga helay Covid-19.

Dr Xergeeye waxa uu sheegay in tiradan cusub ee la xaqiijiyey ay ka dhigayso wadarta guud 203 qof guud ahaan Somaliland iyo hal qof oo xannuunka u geeriyooday 24-kii saac ee u dambaysay, taas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigaysa 15 qof.

Ma jiraan dad xannuunku soo ritay oo xaaladdooda caafimaad laga deyriyey, sida warbixinta wasaaradda ku xusan, haseyeeshee, waxa xannuunka ka soo kabtay 19 qof oo ka mid ah tirada Guud ee Dadka xannuunka laga helay, taas oo tirada kiisaska xaaladdoodu taagan tahay (Active Cases) ka dhigaysa 184 Qof.

Dadka baadhitaanka lagu sameeyey, ayaa markii ay isku arkeen ee ay shakiyeen astaamaha xannuunka iska xaadiriyey Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, ayaa noqotay 921, kuwaas oo markii shaybaadh laga qaaday laga helay cuddurka 203.

Ma jiraan dad xannuunku soo ritay oo xaaladdooda caafimaad laga deyriyey, sida warbixinta wasaaradda ku xusan, haseyeeshee, waxa xannuunka ka soo kabtay 19 qof oo ka mid ah tirada Guud ee Dadka xannuunka laga helay, halka 15 qof u dhinteen, taas oo tirada kiisaska xaaladdoodu taagan tahay ee (Active Cases) ka dhigaysa 169 Qof.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post