X
    Categories: Warar

Somaliland: Khasaare Dhimasho ka Dhashay Daadad Qaaday Dumar iyo Baabuur

Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)Allaah ha u naxariistee marxuumad Muumina Aw Cali, ayaa geeriyootay, kadib markii uu qaaday dooxa degaanka Xariirad ee Gobolka Salal, kaasoo ay ku soo rogmadeen daadad xoogan oo ka dhashay roob ka da’ay degaanno badan oo Somaliland ah maalintii Salaasada.
Badhasaabka Gobolka Salal Md. Axmed Maxamed Xaashi oo khadka telefoonka ugu warramay weriye Mustafe Dheere, ayaa xaqiijiyey in haweenayda dooxa Xariirad qaaday ay ka mid ahayd saddex dumar ah oo dooxa ka gudbayey, balse uu daad xoogan si keddis ah u qabsaday, kaasoo ay ka badbaadeen laba haween ah oo kale.
Waxa kaloo Badhasaabku sheegay in daadad xoogan oo ka dhashay biyaha roobab ka da’ay degaannada Gobolka Salal iyo meelo kaloo ka baxsan ay si weyn ugu soo rogmadeen dooxyada ku yaal gobolkiisa.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dooxa Waraabood ee u dhexeeya magaalooyinka Saylac iyo Tokhoshi uu qaaday baabuur noociisu yahay Toyota Land Cruiser, lambarkiisuna ahaa SL 67034, iyadoo laga badbaadiyey darawalka waday baabuurkaas oo magaciisu yahay Ibraahim Cali Cabdi, kadib markii dadka degaanku u tuureen xadhko uu kaga badbaado daadka qaaday baabuurkiisa.
Dooxyada waaweyn ee ku yaal degaannada kala duwan ee dalka Somaliland, ayaa qaada gaadiid badan muddooyinka lagu jiro xilli-roobka, kuwaasoo sababa khasaare isugu jira naf iyo maalba, iyadoo dad ka badan toban qof u geeriyoodeen daadadka roobabka ilaa bishii March ee sannadkan 2016 oo qudha.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post