X
    Categories: Warar

Somaliland: Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawac Soo Gaadhagay Dad Muhaajiriin U Dhashay Ethiopia Iyo Booliska Somaliland

Araweelo News Network

Baabuurta lagu daabulay Oromada laga ururiyay shaaracyada Hargeysa


Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Shil Baabuur oo ka dhacay dhinaca bari ee magaalada Hargeysa, ayaa sababay dhimashada 4 qof oo laba ka mid ah ay ka tirsanaayeen Booliska Somaliland, halka labada kale ay ahaayeen dadka kasoo jeeda dalka Ethiopia ee muhaajiriinta doonayay inay dhinaca Maamulka Somalia ee Puntland u gudbaan, si ay dhinaca dalka Yemen ugu sii talaabaan.

Shilka, ayaa dhacay galabta. kadib markii Baabuur kuwa xamuulka ah oo ay saarnaayeen ku dhowaad boqol qof oo Ethiopian ah iyo dhawr ka tirsan Booliska Somaliland ku dhacay dhinaca bari ee magalaada Hargeysa, iyadoo dhaawac kala duwan oo shilkaasi sababay ay soo gaadheen ilaa 50 qof oo dadka muhaajiriinta ah iyo dhawr ka tirsan Booliska Somaliland.

sida uu shebekadda wararka ee Araweelo News Network u sheegay Taliyaha laanta socdaalka Somaliland Col. Maxamed Yuusuf (Ina Canbaro), waxa shilkaa ku dhintay Laba ka mid ah Booliska Somaliland iyo laba qof oo dadkii ay wadeen ee u dhashay Ethiopia, balse waxa uu sheegay in dhaawaca oo Konteneeyo gaadhaya lagu dawaynayo Cusbitaalka guud ee Hargeysa oo galabta lasoo gaadhsiiyay, isagoo xusay in dhaawacyada intooda baddan ay yihiin kuwo fudud.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post