X
    Categories: Warar

Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Ku Heshiiyay Dhawr Qodob Kadib Markii Dawladda Djibouti Ku Guntatay In Aanu Shirku Burburin

Djibouti!(ANN)-Dhinacyada Somaliland Iyo Soomaaliya ee shirka wada hadalku uga socday Dalka Djibouti oo dib laysugu soo celiyay cawyskii caawa kadib markii ay ku kala kaceen fadhiga, ayaa soo saaray saqdii dhexe dhawr qodob oo ay Isla qaateen.

 

Waxayna labada dhinac ee Shirkii wada-hadalada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya  kala saxeexdeen waxa loo yaqaan Minutes-ka, kaasi oo ah is afgarad hordhac ah.

Sidoo kale waxay sheegeen in laysla qaatay Shan qodob kuwaasi oo loo saaray Saddex guddi hoosaad oo ka wada shaqayn doono qodobadaa , Waxaana ka mida qodabadaa uu Warbaahinta u akhriyey Shirgudoonka Shirka oo ah Wasiirka Arrimaha Dibada ee Djibouti oo iyadu marti gelisay shirkaa.

1. Sidii loo sii wadi lahaa shirarka mustaqbalka si qurux badan oo hadaf xanbaarsan

2. Sidii dib loogu dhisi lahaa Kalsoonidii labada dhinac.

3. Sidii loo meel marin lahaa qodobadii lagu heshiiyey shirarkii hore ee aan la hirgelin sida Kaalmooyinka Dhaqaale ee Caalamiga ah iyo Gargaarada Bani-aadamnimo, waxaana qodobkaasi loo saaray guddi, kuwaasi oo shiridoona muddo shan iyo toban cisho (15) ka dib ah, kuna shiridoona waddanka Djiboti.

4. Waxaa ay labada dhincba soo saareen guddi ka wada xaajoon doona Arrimaha Hawada, kuwaasi oo muddo shan iyo toban cisho ah ku shiridoona waddanka Djibouti.

5. Waxaa ay labada dhinacba soo saareen guddi saddexaad oo ka wada shaqayn doona Arrimaha nabad-gelyada.

Dhamman Saddexdaa guddi shan iyo toban cisho ka dib waxay ku kulmi doonaan dalka Djibouti, waxaana lagu magacaabay guddiyadaasi (Technical sub comment) Guddida guud ee farsamado ee wada-hadalada oo lagu magacaabo (Join Ministerial Comment), waxaanay 45-cisho ka dib ku kulmi doonaan Dalka Djibouti si u qiimeeyaan wax qabadka guddi hoosaadyada.

Wa Bilaahi Tawfiiq

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post