X
    Categories: Warar

Somaliland iyo Maraykanka Oo Qodobbo Kala Duwan Ka Wadahadlay

Araweelo News Network

Nairobi (ANN) Dawladdaha Somaliland iyo kuwa reer galbeedka, gaar ahaan Maraykanka, ayaa ka wadahadlay arrimo kala duwan oo ku saabsan horumarka iyo mustaqbalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Wefti wasiirro ka socda dawladda Somaliland oo magaalada Nairobi kulamo kula yeeshay safiirrada dalalka taageerada siiya Somaliland oo ay ka mid yihiin Maraykanka iyo Ingiriisku, ayaa waxay ka wadahadleen qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin doorashooyinka, ammaanka, mucaawanada Somaliland la siiyo, horumarka dalka iyo arrimo kale oo badan.
Weftiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo uu wehelinayo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Md. Cali Salaan Jirde iyo khubaro ka kala socotay wasaaradahooda, ayaa socdaal qaatay muddo afar maalmood ah oo ay ku tageen magaalada Nairobi waxay kula kulmeen safiirrada safaaradaha dalalka Denmark, Jarmalka, Holland, Norway, Sweden, Midowga Yurub, madaxda hay’adaha Qaramada Midoobay iyo hay’adaha mucaawanooyinka la shaqeeya Somaliland ee kala ah; DANIDA, DFID, EU, GIZ iyo USAID, kuwaas oo ay kala hadleen arrimo ka mid yihiin; qorshaha horumarinta Qaranka (NDP), doorashooyinka soo socda, taageerada horumarinta iyo gurmadka degdegga ah oo ay ka mid tahay xaaladda abaarta ba’an ee ka jirta gobollada bariga xilligan iyo wadashaqaynta dhinaca amniga. Waxa kaloo lagu falanqeeyey muhiimada uu leeyahay maalgalinta casriyeynta dekedda Berbera ee ay xukuumadda Somaliland heshiiska kula gashay shirkadda caalamiga ah ee DP World.
Sida lagu baahiyey bogga Wasaaradda Khaarajiga Somaliland ku leedahay barta bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook, waxa Wasiir Sacad Cali Shire uu kulan kale la qaatay Safiirka cusub ee dawladda Maraykanku u magacawday arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Stephen M. Schwartz iyo Safiir-ku-xigeenka dawladda Ingiriiska Ambassador Andrew Allen, kuwaas oo ay ka wadahadleen qabsoomaidda doorashada Madaxtooyada ee soo socota iyo dib-u-dhaca ku yimi doorashadii Golaha Wakiillada, sidii loo sii wadi laha wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, arrimaha xuquuqda aadamaha Somaliland, kobcinta dhaqaalaha si loo yareeyo tahriibka dhallinyarada iyo shaqo la’aanta iyo sii xoojinta ka wadashaqaynta ammaanka.
Wasiirka Khaarajiga Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa uga mahadceliyey dublamaasiyiintaasi iyo wakiillada hay’adaha horumarinta wadashaqaynta wanaagsan ee ay la leeyihiin Somaliland iyo kulamadaasi dhexmaray, waxaannu ugu baaqay inay mucaawano degdeg ah kaga qaybgalaan gurmadka dadka ay saamaysay abaarta xun e ka taagan gobollada bari.
Sida lagu sheegay qoraalkaasi weftiga wasiirrada Somaliland waxay dib ugu soo laabanayaan magaalada Hargeysa Axadda maanta.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post