X
    Categories: Warar

Somaliland iyo Itoobiya oo Kala Saxeexday Heshiis Ku Saabsan Isticmaalka Dekedda Caalamiga ah ee Berbera

Araweelo News Network

Addis Ababa(ANN)shir mudo sadex cisho ah uga socday magaaladda Debre zeit ee dalka itoobiya ,dawladdaha Somaliland iyo itoobiya oo ku saabsanaa istimaalka dekedda caalamiga ah ee Berbera ayaa maalintii shalay lagu soo gabagabeeyey magaalada Debre zeit dalka itoobiya ,shirka ayaa diirada lagu saaray socdka badeecadaha,ee ay Itoobiya kala soo degto dekedda caalamiga ah ee Berbera. Mudadii uu shirku socday waxa doodo iyo falanqeyn masuuliyiinta labada dawladooda ka yeesheen sidii loo horumarin lahaa isticmaalka badeecadaha ay dawladda itoobiya ay kala soo degto dekedda Berbera,sidoo kale waxay masuuliyiinta Somaliland ku dheeraadeen inay diyaar u yihiin in dhinacooda ay fududayn doonaan sidii heshiiskan horumar looga gaaadhi lahaa.
Shirkan oo ahaa shir muhiim ah ayaa waxa ka qayb qaadanayey Guddi farsamo oo ka kala yimi qaar ka mid ah wasaaraddaha Somaliland,Maareeyaha Guud ee dekeddaha Somaliland iyo madaxda safaaradda Somaliland ku leedahay itoobiya,dhinaca Itoobiya waxa shirka ka soo qayb galay madax iyo masuuliyiin uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee hayadda Itoobiya u qaabilsan Hawlaha Badaha Mr MEKONNEN ABERA.
ugu horeyn waxaa shirkaasi khudbad qiimo leh oo taariikhiya ka jeediyey Safiirka Somaliland u fadhiya dalka itoobiya Ambassador Adan Muuse Jibrill oo ka sheekeeyey taariikhdii ganacsi ee Somaliland iyo itoobiya u dhaxeeyey mudo badan oo boqolaal sanno,waxana uu tilmaamay Ambassador-ku in heshiiskani yahay mid guul u horseedaya shacabka labada dal Somaliland iyo Itoobiya.
Geesta kale waxa isna kulnkaasi hadal ka jeediyey Maareeyaha Dekeddaha Somaliland Eng: Cali Cumar Maxamed(Cali Xoor Xoor) oo sheegay in heshiskani uu daba socdo heshiis hore oo labada dawladood ay wada galeen sanadkii 2005-tii,heshiskaasi oo ku saabsanaa isticmaalka dekedda Berbera,heshiiskana yahay kii labaad oo lagu dardar gelinayo hawlaha socodka badeecadaha dawladda iyo ganacsatada itoobiya ay kala soo dagaan dekedda Caalamiga ah ee Berbera,Cali Xoor Xoor ayaa sheegay in uu yahay heshiiskani mid u horseedaya horumar labadda dale e Somaliland iyo Itoobiya.
Waxa kale isna shirkaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee hayadda itoobiya u qaabilsan Hawlaha Badaha Mr MEKONNEN ABERA oo sheegay in uu ku faraxsan yahay heshiiskan ay kala saxeexdeen Somaliland iyo itoobiya ee k u saabsan isticmaalka iyo socodka badeecadaha itoobiya kala soo degto dekedda Berbera,wuxuu Mr MEKONNEN tilmaamay inay muhiim tahay sidii uu u fulin lahaa heshiiskan taariikhiga ahi iyo in labada dalba ka faa’iidaystaan isku socodka ganacsiga.
Somaliland iyo itoobiya ayaa waxa ka dhaxeeya iskaashi balaadhan oo dhinacyo badan leh,waxana xusid mudan in heshiiskani uu yahay mid muhiim ah oo sahlaya inay itoobiya badeeacadda badan kala soo degto dekedda caalamiga ah ee Berbera,waxana uu heshiiskani u horseedayaa labada shacabka ee Somaliland iyo itoobiya in ganacsiga ka dhaxeeyaa uu soo xoogaysto,isla markaana labada dal iyo labada shacaba ay ka faa’iidaysn doonaan midhaha heshiiskan taariikhiga ah.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post