X
    Categories: Warar

Somaliland Iyo Imaaraadku Maxay Ka Wada Hadleen

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo safar shaqo ugu maqnaa dalka Imaaraadka Carabta, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha iyo weftiga oo hoggaaminay oo safar shaqo oo lix maalmood qaatay ugu maqnaa dalka Imaaraadka, ayey diyaarad khaas ahi kasoo dejisay madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport, waxana madaxweynaha madaarka kusoo dhaweeyey xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo maamulka gobolka Maroodi-jeex.

Af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo weftiga kamid ahaa, ayaa Socdaalka madaxweynaha iyo guulihii horumarineed ee safarkiisa shaqo uu qaranka usoo hooyey saxaafadda uga warramay Af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Madaxweynaha iyo masuuliyiinta dawladda Imaaraadku waxa ay kaga wada-hadleen kulamadooda arrimo badan oo ay kamid yihiin ammaanka guud iyo horumarka mandaqadda Geeska Afrika, xoojinta xidhiidhka labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, koboca dhaqaalaha, maalgashiga, macdanta iyo Tamarta, Iibka xoolaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland, Dalxiiska, horumarinta xeebaha iyo kalluumaysiga, isu socodka labada shacbi iyo isu-furka suuqyada dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaraadka Carabta iyo dardargelinta heshiisyadii iyo hawlihii horumarineed ee mashaariicda waaweyn ee ay labada dal muddooyinkii ugu dambeeyey wadaagayeen.”

Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo, ayaa muddadii ay safarka ahaayeen kulamo la lahaa madaxda iyo saraakiisha kala duwan ee ee ugu sarraysa dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxana ay kulamadaasi kusoo dhammaadeen guul iyo is Af-garad buuxa.

Wa-bilaahi tawfiiq

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post